Madaxweyne Xigeenka Oo Dhagax Dhigay Xurun Cusub Oo Loo Dhisayo Jaamacadda Hargeysa

0
291

Hargeysa (Dawan)- Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa shalay dhagax dhigay dhisme cusub oo lagu  kordhinayo xarunta Jaamacadda Hargeysa, kaasi oo qeyb ka qaadan doona hawlaha waxbarasho ee halkaasi ka socda.
Munaasibad loo sameeyay dhagax-dhiga dhismahan cusub oo lagu qabtay xarunta Jaamacadda, waxaa goob joog ka ahaa wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare mudane Cabdillaahi Ibraahim Habane (Cabdilaahi Dheere) guddoomiyaha jaamacadda Hargeysa iyo ku xigeenkiisa, madaxda sar sare ee jaamacadaasi iyo masuuliyiin kale oo tiro badan.
Guddoomiyaha jaamacadda Hargeysa ayaa ugu horrayn warbixin ka jeediyay waxa uu yidhi “Maanta waa maalin taariikhi ah, waxaynu dhagax-dhigaynaa dhismihii ugu waynaa ee ay jaamacadda Hargeysa yeelato, dhismahaasi oo ah mid casri ah, kana kooban siddeed iyo taban fasal, xafiisyadoodii iyo musqulahoodii, maanta waxaa inoo farxad ah in madaxweyne ku xigeenka Somaliland maanta inoo dhagax dhigayo dhismahaas, waxaanan rajaynayaa mudane madaxweyne marka labaad ee aad ku soo noqoto jaamacadda Hargeysa in aad arki doonto iyada oo akhtar ah.”
Wasiirka wasaaradda waxbarashada  Cabdillaahi Ibraahin Habane (Cabdilaahi Dheere), ayaa isaguna madashaasi hadal ka jeediyay, waxaanu faahfaahin ka bixiyay nooca dhismahan cusub ee laga hirgelinayo jaamacadda Hargeysa, waxaanu waxaanu yidhi “Dhismahan waxaa keenay baahi ka soo baxaysay ardaydii caasimadda Hargeysa, kuwaasi oo tiradoodu ay sannadba sannadka ka dambaysa soo kordhaysay, aqoontii iyo waxbarashadana u baahan, isla markaana u baahan meel ay wax ku baran markaan labadii gelinba, taas ayaana keentay hirgelinta dhismahan cusub.”
Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa gabagabadii munaasibadaasi hadal ka jeediyay, waxaanu faahfaahin ka bixiyay ahmiyadda uu dhismahani u leeyahay ardayda jaamacadda Hargeysa iyo waxbarashada dalka, waxaanu yidhi “marka koobaad ILLAAHAY ayaa mahad iska leh, marka labaad masuuliyiinta jaamacadda Hargeysa waan u hambalyaynayaa maadaama oo ay dedaal ugu jiraan daboolidda baahidda ardayda Jaamacadda, isla markaana iyaga oo isku tashanaya ay dhaqaaqeen hirgelinta fasallo dheeraad ah, waana sharaf iyo karaamo dheeraad ah, qof kasta oo meel jooga waxaa looga baahan yahay inuu is xilqaamo, sababta oo ah is xilqaan ayaa wax lagu qaban karaa, haddii masuulka meel joogaa uu is xilqaami waayo oo uu culays isa saari waayo waxba ma qaban karo.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply