Af-hayeenka Cusub Ee Madaxtooyadda Oo Xilkii Kala Wareegay Wasiirka Ganacsiga

0
274

Hargeysa(Dawan):  Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga horena u ahaa  Af-hayeenka madaxweynaha  Eng.  Xuseen Aadan Cigge(Xuseen-dayr), ayaa shalay xilkii  ku wareejiyay af-hayeenka cusub ee  Madaxtooyada   Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi Faahiye(Shamax).
 
Munaasibadii uu xilka kula wareegayay  af-hayeenka cusub ee madaxtooyadda oo lagu qabtay  xarunta madaxtooyadda ee magaaladda Hargaysa,  waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada   Maxamuud Xaashi Cabdi,  Madaxda laamaha kala duwan ee Wasaaradda Madaxtooyada iyo shaqaalaha Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada iyo Marti Sharaf kale.
Af-hayeenkii hore ee madaxtooyadda, haatana ah wasiirka wasaaradda ganacsiga Eng. Xuseen Dayr oo munsibadaasi hadal ka jeediyay  ayaa ka waramay muhiimadda uu qaranka u leeyahay xafiiska Afhayeenka Madaxtooyadda. “Sharaf iyo maamuus ayay  ii tahay in aan la shaqeeyo muddo kooban Xafiiska Afhayeenka iyo Warbaahinta Madaxweynaha oo aan dhalinyaradan hortiina joogta u noqdo horjoogahooda.  Xafiiskani  waa xafiis aad u muhiim ah  oo ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha  jamhuuriyadda Somaliland.  Waa  barta laga hago xogaha iyo warbixinada iyo wixii warar ah ee la faafinayo ee la doonayo inay gaadhaan bulshadda,  waa xafiis leh qiimihiisa iyo muhiimadiisa.  Waxaa  maanta (shalay) nasiib wanaag ah oo ii suurta gashay in aan mudo yar oo kooban isbedel ku samayn  karo, waxaa koow ka ah Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada isaga la’aantii suurtogal may noqoteen xafiisku inuu yeesho waxaas  oo shaqaale ah.
Maalintii  aan imid  Xafiisku hal qol ayuu ku jiray, waxaa suurogal noo noqotay anigoo taageero iyo tusaaleba  ka helaya  Wasiirka Madaxtoyada in aanu helno xafiisyadaa tirada badan ee maanta ay shaqaaluhu ku shaqaynayaan. Taasina waxay muujisay qiimaha Saxaafadu u leedahay qaranka ha noqoto baahiyaha gaarka ah ee jira Wasiirka Madaxtooyadu runtii intii aan ahaa afhayeenka mahad aan la koobi  Karin oo aad u baaxad weyn baan ka sheeganayaa isagaana ii suurta geliyey isbedelkaa la taaban karo inaan meesha ka suurtogeliyo.”Waxa kale oo uu intaasi ku daray   af-hayeenkii hore in shaqaalaha xafiiska af-hayeenku ay yihiin kuwo hawl aad u culus qabta. “Shaqaalaha marka  ay noqoto waa shaqaalaha ugu howsha badan waana xafiiska ugu hawsha badan.  Marka  laga reebo Xafiisyada Madaxweynaha iyo Wasiirka,   waa dad shaqadooda u diyaar ah,  safarada marka la eego waa dadka isku daya talaabo kasta oo Madaxweynaha iyo waftigiisu ay qaadayaanba in ay warbaahinta qaranka iyo ta dibadaba u gudbiyaan.  Markaa  waxan leeyahay Afhayeen Shamax waxaad haysataa dhalinyaro aqoonyahano ah,  diyaar u ah inay kula shaqeeyaan,  fahamsan mihnadooda,  akhlaaq fiican,  afkooda ka adag,  mid-na  aanu mid  ku xad-gudbin.  Keliya  waxay u baahan yihiin uun xafiisku baahiyihii uu lahaa  in indhaha lagu hayo.”
Sidoo kale waxaa  halkaasi hadal ka jeediyay af-hayeenka cusub ee madaxtooyadda Somaliland Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi Faahiye(Shamax), waxaanu ka waramay  hawlaha uu xafiiska af-hayeenku qaranka u qaabilsan yahay iyo sida uu u shaqeeyo. Af-hayeen Shamax, oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Shaqadu waxa ay noqonaysaa markaan u fiirsaday maalmahan baahinta wararka shaqada ay Madaxtooyadu u hayso qarankan iyo in mushtamacii ay hogaaminaysay ay gaadho dhinaca kalena uu ka yimaado dareen celintooda iyo sida ay shaqada Madaxtooyada ka socota u arkayaan, markaad halkaa ka eegto waa xidhiidhin uun la xidhiidhinayo labada dhinac. Xafiiskan oo aad iyo aad u muhiim ah sida uu sheegay Xuseen deyr oo ah nin saxaafada aqoon u leh, waa xafiis aad iyo aad u mihiima oo sida xafiiska Madaxweynaha iyo  Madaxtooyadu muhiim u tahay ayuu xafiiskana qaranka aad muhiim ugu yahay, sidaas awgeed wararkaa la iswaydaarinayo ee dadka iyo waxa ay ku sugan yihiin la ogaanayo iyo sida ay u fikirayaan wax togan iyo wax tabanba, Madaxtooyadana shaqada ay qabanayso loo baahinayo dadweynaha.”
 
Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi Faahiye(Shamax), afhayeenka cusub ee madaxtooyadda Somaliland waxa kale oo uu sheegay in  uu doonayo in xidhiidh wanaagsan oo saaxiibtinimo ay yeeshaan xafiiska afhayeenka madaxtooyadda iyo qaybaha kala duwan ee warbaahinta dalka ka hawl-gasha.  “Warbaahinta waxaan ku talo jiraa in aan sidii  hore aan ula saaxiibo,      intaa iyo in ka badana aan ula shaqeeyo,  oo aanu xidhiidh wanaagsan wada yeelano,  oo aanu is-waydaarsano ixtiraam, si simanna aynu ku soo dhawayno, muraadkooda iyo dantooda iyo wararka ay doonayaana ay ka helaan Madaxtooyada, si fiicana aanu isku waydaarsano anagana taayada iyo ta Madaxtooyada si fiican dadka u gaadhsiiyaan, si ay taasi u suurtowdo ayaan aad iskugu dayi doonaa.  Waxaana  sal noo ahaan doona uun, kolba xeerka saxaafada ee ansaxsan ee miiska yaala ee shaqaynaya, hadii ay waxa cabasha ah ay jiraan, maan maqal waayadan danbe, balse hadii ay wuxuun ay jiraan waxaan isku dayi doonaa inaan saxno, saxaafada waan soo dhaweynayaa iyagana waxaan leeyahay I soo dhaweeya oo ila shaqeeya”ayuu yidhi Shamax.Waxa kale oo uu  ka hadlay  arrimaha axsaabta qaranka, gaar ahaana xisbiyadda mucaaridka ah. Waxaanu yidhi “Waxaynu nahay dal dimoqraadi ah, oo  nidaamka xisbiyada badan ayaynu ku dhaqanaa, xisbiyada saddexda ah  ee tartamayaa,  waa xalaal,  waa sharci.   waxaan jecelahay had iyo goor inay sharaf ku tartamaan, sababta oo ah waxa inaga dhexeeya ayaa qaaliya, waxa inaga dhexeeya qarankii iyo dalkii, waa inaanay meelna inooga bixin hadal naxli ah oo dadka xisbiyada kala taageersan isku diri kara oo madaxa isku galin kara, oo    danbaa inaga dhaxaysee si daacada aan u wada dadaalno marwalba.
Dhinaca kale waxaa isna munaasibadaasi hadal ka jeediyay wasiirka wasaaradda Madaxtooyadda  Maxamuud Xaashi Cabdi, isagoo soo dhaweeyay afhayeenka cusub, isla markaana sii sagootiyay afhayeenkii hore ee madaxtooyadda oo haatan ah wasiirka ganacsiga. Wasiir Maxamuud Xaashi, ayaa sheegay in madaxweyne Axmed Siilaanyo  aanu xisbigiisa oo qudha oday u hayn, hase yeeshee uu oday u yahay ummadda Somaliland oo dhan. Waxaanu yidhi  “Madaxweynuhu xisbi qudha oday uma ah ee Umadda oo dhan ayuu oday u yahay, waa Madaxweynihii qaranka, hogaamiyaha balaadhan waxa lagu gartaa inuu cafin  karo cid shaqsiyan isaga meel kaga dhacay, Inuu isku wadi karo bulsho kala aragti duwan oo uu kulmin karo.  Waa  astaamaha lagu qiimeeyo, waxa laga yaabaa dhaqanka noocaas ah in dad u fahmay ama u turjuntay, malaa sanadkan cidda wax cayda ayuunbaa wax halaysa,! waxaan leeyahay maaha sidaa.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply