Madaxweyne hore oo Noqdey Muwaadin Dal Kale

0
264

Madaxweynihii la afgenbiyay ee Burkina Faso,  Blaise Compaore  ayaa la siiyay dhalashada dalka Ivory coast.
Arrintan ayaa la sheegayaa in ay soo afjareyso rajadii laga qabay  in dub loo celiyo si uu u waajaho eedeymo la xidhiidha dil  loo haysto marka l agu celiyo dalkiisii.
Madaxweynaha Ivory coast , Alassane Ouattara ayaa qalinka ku duugay amarka lagu siiyay muwaadinimada bishii  November 2014, balse hadda ayuun buu soo shaac baxay.
 
Mr Compaore ayaa loo raadinayay gacanta la sheegay ee uu ku lahaa dilkii hoggaamiyihii hore ee astaanta ahaa   Thomas Sankara sannadkii  1987.
Xukunkiisii  27 sano ayaa soo afjarmey bishii oktoober 2014 markii kacdoono shacbi ahaa dhaceen.
 

Leave a Reply