Wasiirka Warfaafinta Oo Magacaabay Guddi La Socota Nooca Wararka Saxaafadda Somaliland Baahinayso

0
277

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Jamhuuriyadda Somaliland Md Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani), ayaa sheegay in aanay xukuumaddu diidaynin in wax sax ah laga qoro, hase yeeshee waxa uu ku dooday inaanu aqbali doonin in warbaahintu baahiso warar waxba kama jiraan ah.
 
 
Wasiir Caddaani oo  shalay ka hadlayay  shir lagaga hadlayey tayeynta saxaafadda oo lagu qabtay magaaladda Hargeysa, waxa kale oo uu sheegay inuu magacaabay Guddi xeel-dheereyaasha saxaafaddu xubno ka yihiin oo la socota nooca wararka warbaahintu qorayso dhaqan ahaan iyo anshax ahaanba.
 
“Waxa kale oo aan saaka (shalay) magacaabay Guddi toddoba xubnood ka kooban oo la socda oo ka war haysa  warbaahina Jamhuuriyadda Somaliland waxa ka baxayaa waxa ay yihiin oo aanay Telefishanadeenna ka bixin  filimo dhaqan xumo ah oo dhaqankeenna iyo diinteenna ka hor imanaya,”ayuu yidhi Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland.
 
 
Wasiirku waxa uu tilmaamay inuu darsayo xeerka saxaafadda ee Baarlamaanka horyaalla. “Haddii waxa la qorayaa ay been tahay oo dan gaar ah loo adeegsaday SOLJA-na ninka beenaalaha ah uma doodi karto.midna waan idiin balan qaadayaa ninka anshaxa saxaafadda ku shaqeynaya ee wax run ah qoraya oo  illo-wareed cad oo meel loo raaco leh qoraya oo aad danaha nabad-gelyadda qaran innoo ilaalisaan, Wasiir Cadaani wax run ah haddii aad ka qoraysaan diyaar baan u ahay, wasiirrada kalena diyaar ayay u yihiin waxa ina dhaqayaa waa in warka ummaddu helaysaa noqdo mid xaqiiqo ku salaysan,”ayuu yidhi Wasiir Cadaani.
Waxa kale oo uu xusay inuu jecel yahay in jaamacadaha dalka lagu soo kordhiyo kulliyadda culuumta saxaafadda si kor loogu qaado xirfadda iyo aqoonta suxufiyiinta.
 
“SOLJA waa kooxda aan doonaayo in aan wada jaan qaadno. Markaas waxaan idhi shirkaas ha la ii soo dedejiyo. Waxa aan arkaa masaalix is khilaafsan (conflict of interest), waasaaradii aan hawlaha kula noqonaayey baa halkan kuu fadhida oo iyagii baa xubno ah, taas laftirkeedu dhibkeeday leedahay. SOLJA xubnay ka yihiin ee suurgal ma noqonaysaa in ay Wasaaradda ka shaqeeyaan? Wasaaradday u hadlayaan amma SOLJA ayey u hadlayaan labada mid uun bay u hadlayaan oo ay noqonayaan, taasi waa wax cad oo anigu ma jecli masaaliixda is khilaafta (Conflict of Interest) ninku isagoo dan ka hadlaya. SOLJA waxa ay ka masuul tahay suxufiyiinta, innaguna waxaan ka masuul ahay sidii aan SOLJA iyo muwaadinka Somaliland labadoodaba aan danahooda u ilaalin lahaa, farqiga innoo dhaxeeya waa intaas. Waxa kale oo intaa ii raaca in aan suxufigana lagu tacadiyin, muwaadinkana lagu tacadiyin, marka in ay hagayaal jiraan oo laga duulaa waa mid meesha ku jir5a,” ayuu yidhi Wasiirka cusub ee Warfaafintu.
 
Wasiir Cismaan Cabdilaahi Saxardiid waxa uu sheegay in aan saxaafadu noqon meel lagu gabado oo dadka lagu caayo, waxaannu yidhi; “Haddaad tidhaa waxaan difaacayaa tuug kamarad soo iibsaday oo cid alaale ciduu doono ku dhaawacaya, isagoo lacag doonaaya amma reernimo u hadlaaya amma dan gaar ah leh waa la isku dhacayaa oo ummaddu way isku wada dhacaysaa, markaa waa in suxufigu marka hore wax cad oo run ah ku hadlayaa oo aan qofka bina’aadamka ah sakhsiyadiisa aan waxba yeelayn, hadduu qoraayana waa in ay noqotaa mid dhab ah oo la caddayn karayo, marka waa in xeerka hagayaashaas ka muuqdaan.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply