Walaalo kala Lumay oo Dib isu Helay 30 Sano kadib

0
277

Laba hablood oo walaalo ah oo kala lumay carruurnimadoodii markii ay fulkaano ba’ani ku dhufatay  magaaladoodii ayaa dib isu helay soddon sano kadib.
Hablaha oo la kala yidhaa Jaqueline iyo  Lorena Sanchez oo reer Kolombiya ah ayaa kala lumay sannadkii  1985 markii folkaano ka qaraxday duleedka magaaladii ay degganaayeen oo la yidhaa  Armero.
Fulkaanaha ayaa sababay fatahaado iyo dhul go’ galaaftay nolosha ugu yaraan 20,000 oo qof oo ku dhaqnaa magaaladaasi.
Labada hablood ayaa mid kasta gaarkeeda qoys gaar ahi u soo korsaday, weligoodna midkoodna tan kale kama warhelin waxaa ay mudatay.
Waxa ay ku qaadatay sannado in ay midiba tan kale ka war hesho.
Urur bulsho oo samafal oo la yidhaa Armando Armero ayaa gacan ka siisay in ay hablahani dub u midoobaan iyada oo olole baadi doon oo la sameeyay lagu ogaaday hiddesidaha habalahani in ay ahaayeen walaalihii is raadinayay soddonka sano.
 
Inkasta oo la sameeyay kambeyno badnaa haddana laguma guuleysan in la helo waalidiintii hablahan.
Magaalada  oo ay degganaayeen  29,000 oo qof ayaa waxa fulkaanahaasi dilay 20,000 oo ka mid ahaa.
Fulkaanaha ayaa la sheegay in uu ahaa kii ugu daraa ee labaad qarnigii tegay, wax akeliya oo ka khasaare badnaa mid ka dhacay karibiyanka 1902kii.
 

Leave a Reply