Wasiirro Deeq Gaadhsiiyay Degmada Allay Baday

0
293

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka wasaaradda maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo wefti ay hogaaminayso ayaa shalay raashin taakulo ah gaadhsiiyay bulshada ay abaaruhu saameeyeen ee ku dhaqan deegaanka xidhinta ee degmada Allay Baday.
Raashinkan deeqda ah oo loogu talo galay kun iyo shan baqol oo qoys oo ku dhaqan deegaanada degmooyinka Allay Baday, Sallaxley iyo Faraweyne ayaa waxa dadka ay abuuruhu ku habsadeen ugu deeqay Hay’adda Samsam Foundation.
Wasiirka wasaaradda maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo ugu horrayn halkaasi hadal ka jeedisay ayaa hay’adda Samsam Foundation uga mahad celisay sida qiimaha leh ee ay uga qayb qaadatay taakulada dadka ay abaaruhu haleeleen iyo baahiyaha kale iyo adeegyada arrimaha bulshada.
Marwo Samsam Cabdi Aadan iyada oo arrimahaasi ka hadlaysana waxa ay tidhi “Hay’addan Samsam Foundation sida ay wax uga qabatay gurmadka abaaraha oo ah sida aanu dareensanahay xukuumad ahaan mid ay aad ugu dhago nugushahay hadba halka aanu farta ku fiiqno ee ay baahidu ka jirto, haddii ay tahay gurmadka abaaraha, Cisbitaalada iyo Ceelasha ay ka dhisayaan gobolada dalka, waa hay’ad ay ka muuqato lexejeclo iyo wadaniyhadi, abaalkaana qaranka iyo ummadaba way ka heli doonaan.”
Wasiirka wasaaradda maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan waxa kale oo ay ka hadashay tirade deeqdan taakulada ah iyo sida ay ugu qaybinayaan deegaanada loogu talo galay, waxaanay tidhi  “Raashinkani waxa uu ka kooban yahay deeq loogu talo galay kun iyo shan boqol oo qoys, taas oo uu qoskiiba heli doono saddex shub raashin ah oo ka kooban Bariis, Daqiiq iyo Sonkor, sidoo kale qoyskiiba waxa u heli doonaa Caagad Saliid ah iyo daasad Caano ah.”
Marwo Samsam Cabdi Aadan waxa kale oo ay intaa ku dartay “Raashinkan waxaa loo qaybin doonaa saddexda degmo ee Allay Baday, Sallaxley iyo Faroweyne, deegaanka degmada Allay Baday waxaa la siin doonaa shan boqol oo qoys oo ay ka mid yihiin dadka degen tuulooyinka Xidhinta iyo Haro-cadaad, ILLAAHAYNA waxaan ka baryayaa in ay abaaruhu sidaa inagu dhaafaan, xukuumad ahaana meel kasta oo ay abaari ka jirto waxba kala hadhi mayno.”
Wasiirka Wasasaradda Beeraha Somaliland Dr. Maxamed Aw Daahir ayaa isaguna halkaasi hadal ka jeediyay waxaanu u mahad naqay hay’adda Samsam Foundation iyo Wasiirka wasaaradda maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, waxaanu sheegay in deegaankan Allay Baday uu ka mid ahaa deegaanada wax soo saarka, waxaanu yidhi “Degmada Allay Baday waxay ka mid ahayd deegaanada wax beerashada iyo wax soo saarka caanka ku ah, weligoodna waxay hormood ka ahaayeen caawinta dadka tabaalaysan, ILLAAHAYNA waxaan ka baryayaa in uu abaaraha inaga jabiyo raxmaadkiisana uu inoo shubo, waxaan si gaar ah ugu mahad naqayaa Hay’adda Samsam Foundation sida hagar la’aanta ah ee ay uga qayb qaadato taakulaynta dadka iyo gurmadka abaaraha.”
Agaasimaha guud ee wasaaradda Madaxtooyada Marwo Khadra Xaaji Gaydh ayaa iyaduna halkaasi hadal ka jeedisay waxaanay tidhi “Waxaan u mahad celinayaa ugu horrayn madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, aniga oo uga mahad celinaya sida uu baaqa degdega ah uga soo saaray qaylo dhaanta abaaraha, isaga oo ka codsatay ganacsatada, hay’addaha iyo shaqaalaha dawladda in cid waliba ka qayb qaadato gurmadka abaaraha. Waxa kale oo aan u mahad celinayaa hay’adda Samsam Foundation iyo Wasiirka wasaaradda maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo iyaguna mar kasta u heelan taakulaynta gurmadka abaaraha.”
Maayarka Gabilay Mudane Maxamed Aamiin ayaa isaguna halkaasi ka hadlay, waxaanu ka warbixiyay xaalada abaareed ee gobolka Gabilay, waxaanu yidhi “Gobolka Gabilay waxa uu ka kooban yahay ugu yaraan boqol iyo konton Tuulo, dhamaantood tuulooyinkaasi biyaha mooyaane iskuma dhaamaan baadka oogo iyo waqooyi,waxaan aad ugu mahad celinaynaa cid kasta oo gacan ka gaysatay gurmadka abaaraha ee gobolka, waxaanan ILLAAHAY ka baryaynaa inuu inaga jabiyo abaaraha, waxaanan u mahad naqayaa hay’adda Samsam Foundation iyo guddida abaaraha ee uu magacaabay madaxweynuhu oo ay ugu horrayso Wasiirka wasaaradda maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan.”
Badhasaabka cusub ee gobolka Gabilay Xamse Maxamed Cabdi ayaa isaguna halkaasi ka hadlay waxaanu sheegay in gobolka Gabilay uu yahay xudunta abaaraha dalka ka taagan, illaa haddana ay taagan yihiin abaarihii, hay’addaha caalamiga ah, ganacsatada iyo muwaadiniinta kale waxaan ugu baaqayaa in ay ka qayb qaataan taakulaynta iyo gurmadka abaaraha.”
Guddoomiyaha degmada Allay Baday ayaa isaguna halkaasi ka hadlay waxaanu yidhi “Degmada Allay Baday waxay ka mid tahay degmooyinka meelaha ay abaarta xumi saamaysay, waxaanan aad ugu faraxsanahay in gurmad lala soo gaadhay deegaanka, xukuumaddana ay ka go’an tahay in ay wax ka qabato baahiyaha jira intii karaankeed ah, dadka deegaankuna aanay cuqdad ka qabin in aanay kaalmooyinkii hore soo gaadhin iyaga. Dadka deegaanka ee qurbo jooga ah waxaan ugu baaqayaa in ay ka qaby qaataan taakulada iyo gurmadka abaaraha.”
Guddoomiye ku xigeenka hay’adda Samsam Foundation Sheekh Cali Cismaan Muuday ayaa isaguna halkaasi hadal ka jeediyay waxaanu yidhi “Aniga oo ku hadlaya afka Hay’adda waxaan aad ugu mahad celinayaa weftiga xukuumadda, maamulka gobolka iyo shacbiga degmada Allay baday, aniga oo ku bogaadinaya sida ay uga soo qayb galeen deeqdan aanu ugu talo galnay gurmadka abaaraha, Hay’ad ahaana taakulada abaaraha mooyaane dhinacyo badan oo kale ayaanu wax ka qabanaa, waxaanu wax ka qabanaa Baahiyaha kala duwan ee arrimaha bulshada, Biyaha Caafimaadka iyo waxbarashada, waxaana naga go’an in aanu sii wadno intii  aanu karayno.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply