Naafadu Waa Fikirka

0
356

Nikolas Vegoe waa nin dhalin yaro ah oo Austeraliya u dhashay, da’diisu 25 sano. Ninkan ayaa ku dhashay isagoon lahayn labada gacmood. Laakiin haddana inta sare ayuu si xoog ah ugu shaqaystaa. Wuxuu ku bartay qoraalka, Computerka. Waxaana uu gaadhay inuu ku qoro 43 kelmadood daqiiqadii. Dabaasha ayuu iyadana aad u bartay.
Maaha nin quustay  waxaana uu yidhi “ Waxaan moodi jiray inaan aniga oo qudh ahi naafo ah laakiin waxaan ogaaday in dadka oo dhami ayaa naafo yihiin”.
Marka aan wax ka iibsanyo ayay igu yidhaahdaan Naafo aniguna waxaan ku idhaahda “Qofka fikirka iyo caqliga aan ka shaqaysiin ayaa naafo ah “ .
Ninkan ayaa muujiyay inuu qofku si kasta wax u qabsan karo, waxaan uu maant leeyahay laba shirkadood oo dhinaca ganacsiga ku jira. Wuxu guursaday gabadh, waxaana ay u dhashay laba caruur.

Leave a Reply