Dhakhaatiirta Iyo Xikmadaha!

0
399

Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in soo jeedka  habeenimo u dhibaato yahay. Laakiin dadkii xikmadaha lahaana wxay yidhaahdeen: “ Kan doonaya inuu meel sare gaadho, habeenkii ha soo jeedo”
Waagii kasta ee beryaba waxa qofka banii’aadamka ah gaabta Cimrigiisa, haddana ma dareemo maalinta ka go’aday. Maalin kasta risiqi Allah (sw) ayuu cunaya, waana la weydiin doona haduu xalaal ahaa, haddii uu xaaran ahaana waa lagu ciqaabi waxaana laga yaabaa in aanay dad badani dareensanayn. Maalin kasta wuxu ku sii dhowaaanay aakhiro aduunyada wuu ka sii durkaya  mana garanayo Jano iyo cadaab halka uu geli doono. Haddaba waxa fiican in qof kastaa ku baraarugo oo camal wanaagsan sii hormarsado.

Leave a Reply