Jarmani: Dad Magangelyo doon ahaa oo la Waayay

0
273

Saraakiil Jarmal ah ayaa sheegay in la waayay meel ay jaan iyo cidhib dhigeen  130,000 oo qof oo loo diiwaangeliyay magangelyo doon  sannadkii hore.
Dawladda ayaa qoraal ay soo saartey ku sheegtay in aanay dadkaasi muhaajiriinta ahi ka soo xaadirin xarumihii qaabilaada ee loo jiheeyay.
Arrinta ayaa loo maleynayaa in ay ku sal leedahay in ay dadkaasi u sii hayaameen dal kale ama ay dhawr jeerba is diiwaangeliyeen.
ThosMuhaajiriinta la waayay ayaa ka noqonaya ilaa  13%  dadkii magangelyo raadiska ahaa ee gaadhayay  1.1 million  ee lga diiwaangeliyay Jarmalka sannadkii  2015.
Afhayeen u hadlay wasaarada daakhiliga ayaa sheegay in baarlamaanku ansixiyay tallaabooyin dhawr ah  khamiistii oo wax lagaga qabanayo dhibaatada muhaajiriinta la waayay.

Leave a Reply