Guddoomiyaha Laasqoray Oo Gudidda Abaaraha Ugu Baaqay Inay Gurmad La Soo Gaadhaan

0
288

Laasqoray (Dawan)- Guddoomiyaha Degmo xeebeeda Laasqoray ee gobolka Sanaag  Cabdiraxmaan Maxamed Cali Sucuud, ayaa qaylo dhaan abaareed ka soo saaray deegaamadaasi, waxaanu sheegay in ay deegaankaasi ka taagan tahay xaalad adag oo abaareed oo saamaysay dadkii iyo xoolihii  labadaba.
Guddoomiye Degmada Laasqoray  Cabdiraxmaan Sucuud ayaa ugu baaqay guddida abaaraha heer qaran ee Somaliland iyo dadka qurba joogta ah ee deegaamadaasi ka soo jeedaba in ay dadka abaaruhu saameeyeen la soo gaadhaan taakulo iyo gurmad bani’aadamnimo intii ay awoodaan.
 
Guddoomiyuhu waxa uu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay degmadaasi, waxaanu yidhi “Abaaro ayaa ka jira deegaamada buuraha ee ay Laasqoray xukunto, waxa ka taagan deegaamadaasi abaar xoogan oo dadkii iyo xoolihiiba saamaysay, xaaladdooduna way adagtahay. waxaan ugu baaqayaa guddida abaaraha Somaliland in ay qorshaha ku darsadaan dadkaas walaalohood ah ee abaaruhu saameeyeen, waxaanu leenahay wixii taakulo ah ee ay awoodaan waa in lala soo gaadhaa, sidoo kale dadka deegaanka u dhashay ee qurbajoodta ah waxaanu ugu baaqaynaa in ay u soo gurmadaan dadkooda dhibaataysan.”
Taliyaha Saldhiga  Ciidanka qaranka ee degmada Laasqoray Cabdirashiid Axmed Maxamed oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa ka dhawaajiyay  in abaar baahsani ka jiro deegaankooda, waxaanuu sidoo kale sheegay in aan qorshaha lagu darin deegaamodooda  meelaha ay guddida abaaruhu qorsheeyeen in la gaadhsiiyo taakulada loogu talo galay, waxaanuu u soo jeediyey in qorshaha lagu daro oo la soo gaadhsiiyo deegaamadaasi gurmad wixii loo heli karo.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply