Hay’adda Zamzam Foundation Oo Raashin Caawimo Ah U Qaybisay 14 Tuullo Oo Hoos Yimaadda Degmadda Salaxlay

0
314

Salaxlay (Dawan): Hay’adda  ZAMZAM foundation ayaa    raashin iyo biyo caawimo  ah gaadhsiisay  14 tuullo oo hoos yimaadda    degaanka Sharmaarke  oo  ka tirsan degmadda Salaxlay,  caawimadaasi oo ay ku wareejisay   odayaasha degaankaasi wasiirka maaliyadda Somaliland Samsam Cabdi Aadan.
Qoysaskani loo qaybiyay caawimadda oo ay tiradoodu gaadhayso 800 qoys  kana  mid ah dadka  ay saamaysay abaarta  baahsan ee dalka ka jirta, ayaa isugu  jirtay  Bariis, Sonkor, Daqiiq iyo Caano, iyadoo   Sidoo kalena ay  wasiirka  maaliyadu   qoysaskaasi gaadhsiisay  20 booyadood oo biyo ah  oo ay  ku soo caawisay  hay’adda diiwaanka Sekooyinka  Somaliland.
 
Munaasibadii qoysaskaasi  ay abaartu  saamaysay ee loogu  qaybinayay  caawimadaasi  waxaa goob joog ka ahaa  wasiirka maaliyadda Somaliland Samsam Cabdi Aadan,  saraakiil ka socday hay’adda Zamzam foundation oo uu ka mid ahaa Sheekh  Cali Cismaan  Muudeey, oo ah guddoomiye ku xigeenka hay’adda   Zamzam foundation, iyo Maxamed Axmed Cagoweyne oo ka mid ah masuuliyiinta hay’adaasi u jooga Somaliland,   odayshaasha iyo salaadiinta degaanka Sharmaarke.
 
Wasiirka wasaaradda maaliyadda Somaliland  marwo Samsam Cabdi Aadan, oo halkaasi hadal ka jeedisay ayaa hay’adda Zamzam foundation ku amaantay kaalinta muuqata ee ay ka qaadatay caawinta dadka ay abaartu haleeshay ee ku kala nool degaamadda Somaliland, waxaanay sheegtay wasiir Samsam in ay hay’adaasi ay si cadaalad ah ugu qaybiso dadka caawimooyinka.
 
Wasiirka oo arrintaasi ka hadlaysayna waxay tidhi “Ugu horayn ILLAAHAY ayaynu ka baryaynaa in uu abaarta inaga soo jebiyo, waayo gacanta ILLAAHAY ayuunbaa lagu dhergaa.  Waa  la dedaalayaa, laakiin roob uu ILLAAHAY keenno ayaa waxaas oo dhan lagaga bixi karaa. Salaxlay 14 tuullo oo ka tirsan ayaynu maanta Zamzam foundation raashin u qaybinaysaa, hay’adaasi oo runtii wax badan qabata, wexeeduna uu yahay in ay si cadaalad ah ugu qaybiso dadka, oo dawladda kala tashata kolba halka ay gaynayso raashinka, iyo wixii ay qabanayso”.
 
“Hay’adani raashinka oo qudha kuma caawiso dadka, ee waxbrashadda ayay wax ka qabataa, caafimaadka ayay wax ka qabataa, aad iyo aadna waan ugu mahad naqayaa. Dadka maanta halkan isugu yimid oo ka socda 14 tuullo oo Salaxlay ka tirsan, oo suldaankoodii uu joog oo aad noola shaqeeyay, gudoomiyihii tuuladda Sharmaarke-na uu joogo, oo isna aad noola shaqeeyay, iyagana aad ayaanu ugu mahad naqaynaa,  sida dul-qaadka leh ee ay hwshani isugu soo duba-rideen.
 
Waxaynu ILLAAHAY ka baryaynaa in uu wax khayr leh inoo keenno, dadka dhibaato ayaa haysata, xoolihii ayaa ka baxay. raashinkanina  kuma filna dadka, waayo  kolay dad ayaa ka hadhay, waana in raashinka kale ee imanaya loogu soo tallo-galo dadkaasi”  ayay tidhi wasiir Samsam  Cabdi Aadan.
 
Waxa kale oo ay intaasi ku dartay wasiir Samsam in  dadka degaanka Sharmaarke ay dhibaato ka haysato xagga biyaha, sidaas darteedna ay 20 Booyadood oo biyo ah uga soo qaaday hay’adda diiwaanka Sekooyinka Somaliland.  Waxaanay tidhi “Xagga biyaha dadkani dhibaato ayaa ka haysata, markaa waxaan la hadlay qoladii  diiwaanka Sekooyinka  Somaliland, oo iyaguna imika  yidhi 20 Booyadood oo biyo ah ayaanu  bixinaynaa, Berkadaha ayaanu ku soo shubayaan 20-ka booyadood ee biyaha ah, idinka ayaana markaa u qaybin doon dadka”.
 
Sheekh  Cali Cismaan  Muudeey, oo ah guddoomiye ku xigeenka hay’adda   Zamzam foundation oo halkaasi ka hadlay ayaa  mahad naq balaadhan u jeediyay  wasiirka maaliyadda oo uu sheegay in ay si weyn ugala qayb qaadatay hawlaha  raashin qaybinta, isla markaana meel walba oo ay geeyaan kala shaqaysa hawshaasi caawimadda.
 
 
 
“Marka hore waxaan aad ugu maha celinayaa wasiirka maaoliyadda Samsam oo maalin walba nala  taagan intii aanu ku jirnay hawshan raashin qaybinta, dedaal badana ku bixisay iyadoo meel walba oo aanu  tagna noo raacda. Salaadiinta degaanka, ciidamadda amaanka iyo cid kasta oo nagala qayb gashay qaybinta raashinkani aad ayaanu ugu mahad celinaynaa”ayuu yidhi  Sheekh Cali Cismaan.
 
Waxa kale oo uu sheegay  Sheekh Muudeey, in degaanka Sharmaarke ee ay maanta raashinka caawiamdda ah u qaybiyeen uu noqonayo kii saddexaad ee ay sidan oo kale caawimo uga qaybiyaan, iyagoo degaamo kale hore uga soo qaybiyay.
Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Degaankani waa degaankii saddexaad oo aanu caawimo u qaybino, waxaanu hore uga soo qaybinay  gobolka Gabiley tuulooyin ka tirsan, sidoo kale  Farro-weyne degaamo ka tirsan ayaanu hore raashin uga soo qaybinay, maantana halkan degaanka Sharmaarke oo ka tirsan degmadda Salaxlay ayaanu ku qaybinaynaa, oo ay isugu yimaadeen dad ka kala yimid 14 tuullo, raashinkuna si fiican ayuu u wada gaadhay.
 
Dedaal badan ayay hay’adda Zamzam foundation ku bixisay sidii raashin loogu qaybin lahaa meelo badan oo ay baartu saamaysay,   waxaananu rejaynaynaa in uu ILLAAHAY dadka roob siiyo, oo qof walba uu meeshiisa ku negaado, sidaas ayaananu ugu ducaynaynaa”.
 
Sidoo kale waxaa isna halkaasi ka hadlay suldaan Aadan Xasan, oo ka mid ah salaadiinta degaanka Sharmaarke, isagoo   uga mahad naqay wasiirka maaliyadda kaalmadani ay soo gaadhsiisay iyo hay’adda Zamzam Foundation ee soo bixisay deeqdani. Waxaanu yidhi “Waxaanu halkan ku qaybinaynaa deeqdani ay soo dhiibtay hay’adda Zamzam Foundation, iyadoo ay halkan isugu yimaadeen dad ka kala yimid 14 tuulo, oo ay goob joogna ka tahay wasiirka wasaaradda maaliyadda Samsam Cabdi Aadan. Madaxda hay’adda Zamzam foundation iyo anigoo ka mid ah salaadiinta degaankani.
 
Waxaananu raashinkani u qaybinaynaa  dad isaga kala yimid 14 tuullo oo ka mid ah degaankani ee ay abaartu haleeshay, iyadoo xoolihiina intii u hadhay ay ka qabatay hawdka, dadkii jilicdasanaa ee halkan ku  hadhay ayaanu raashinkani u qaybinaynaa. Waananu ka gudoonay hay’adda Zamzam foundation iyo wasiirka maaliyadaba”.
Dawannews Hargeysa office
 

Leave a Reply