Shimbiro Jiirka Lagu Dabar Jarayo

0
594

Dalka Souhth Africaย  waxa laga bilaabay mashruuc noociisu cusub yahay oo aad loola yaabay ka dib markii la sheegay in Shimbirta Guumaysta loo adeegsan doono la dagaalanka Jiirka oo bulashada magaalooyinka dhib weyn ku haya.
 
Mashruucan ayaa keenay boqolaal shimbirta Guumaysta ahย  oo lagu siidayanayo goobaha dadka shacabka ahi ay degan yihiin sidaย  magaalooyinka.
Madaxa shirkadda hindistay fikradan ayaa sheegay in hadafka hawlgalkani yahay in Jiirka waxyeelada u leh bulshada la cidhib tiro, iyadoo loo adeegsanyo shimbirta Guumaysta.
 
Gudoomiyaha ayaa intaasi ku daray in Guumaystu tahay xalka keliya ee ugu wanaagsanย  madaama ay iyadu tahay mid ku xidhan dadka oo ilaa weligeed la noolayd.
Warbaahinta ayaa cadaysay in Jiirkani uu weeraro ku hayo caruurta yaryar, ka dib markii ay tiradiisu gaadhay malaayiin magaalada Johensberg ee Koonfur Africa.
ย 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here