Wasiirka Khaarajiga Oo Sheegay In Bar- tilmaameedka Aqoonsi Raadinta Somaliland Uu Yahay Afrika

0
290

Hargeysa (Dawan):-Wasiirka  arrimaha dibada Jamhuuriyadda  Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa  sheegay in ay ka wasaarad ahaan xooga saarayaan sidii  ictiraafka looga  raadin lahaa    dalalka Afrika,  gaar ahaana  kuwa  aynu   jaarka nahay ee ku jira urur goboleedka  IGAD.
Waxa kale  oo uu wasiirku   ka hadlay mawqifka Somalilanad ee wada hadaladii u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya iyo waaxyo cusub oo uu wasaaradda ku soo kordhiyay mudadii  koobnayd ee uu joogay wasaaradaasi.
Dr. Sacad Cali Shire, waxa uu sidaasi ka sheegay  kulan is xogwaraysi ah oo uu la qaatay guddi hoosaadka joogtada ah ee golaha guurtida. Waxaanu  yidhi “Waxaynu doonaynaa in aynu bartilaameed ka dhigano wadamada Afrika, siiba ku aynu jaarka nahay ee ku jira urur goboleedka IGAD, ee ay ka mid yihiin Itoobiya, Jabuuti, Keynya Sudaan iyo wadamada kale ee ku yaal galbeedka iyo koonfurta Afrikaba. Intii aan wasaaradda joogay waxaanu ka wadnay is badal xagga wasaaradda ah”.
Waxaanu intaasi ku daray  “Wasaaraddu markii hore waxay ahayd shan waaxood, hadda se waxaanu ku soo darnay laba waxood oo aad u muhiin ah, kuwaas oo kala ah waaxda sharciga iyo waaxda cilimi baadhista iyo qorshaha, oo aan hore u jirin.  Wasaaradda arrimaha dibada hadda waxaan joogay mudo afar bilood ah, Waxaanaan soo maray dalal badan oo ay ka mid yihiin Jabuuti, Kenya, Itoobiya, Ingiriiska iyo wadamo kale.
Dalalka aanu kulamada la yeelanay wasiiradooda arrimaha dibada, waxa ka mida Jabuuti, Malaawi, Itoobiya, Swiserland, Southsudan, Ghana, Ingriiska, Faransiiska. Sidoo kale waxaan la kulmay 16 safiir oo caalamka ah.” Ayuu yidhi Wasiirku.
Wasiir Sacad Cali Shire isagoo ka hadlayay  mawqifka Somaliland ee wada hadaladii u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya waxa uu yidhi “Waxaynu doonaynaa in aynu halkii ka sii wadno, aynu tayayno kana midha-dhalino wada-hadalkii aynu la lahayn wadanka Soomaaliya.” Wasiirku isagoo hadalkiisa siiwata waxa uu intaa ku daray “Ilaa sagaal jeer baa wada hadal laysugu yimi, waxyaabona waa lagu heshiiyay nasiibdaro waxba kamay fulin, waxbadan oo laga filaayayna kamay soo bixin wada hadaladaas.” Dr.   Shire waxa uu guddida joogtada ah ee golaha guurtida ku bogaadiyay xogwaraysigan ay la yeesheen. Sidoo kalena guddida joogtada ah oo shaqaysa inta u dhaxaysa labada kal-fadhi inta uu goluhu fasaxa ku jiro ayaa waxay ayaa waxay wasiirka ku amaaneen
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply