Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka SWEDEN Oo Ka Waramay Su’aal Uu Weydiiyey Xukuumadiisa Oo La Xidhiidha Inay Taageero Ka Geystaan Abaaraha Ka Jira Somaliland

0
290

Stockholm(Dawan):-Xukuumadda Sweden ayaa laga sugayaa jawaabta su’aal la xidhiidha taageeradooda gaarka ah iyo ta Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay  ee ku waajahan dhibaatooyinka abaaraha ka taagan Somaliland u geysteen shacabka oo doraad la weydiiyey.
Xildhibaan Mr. Hans Linde oo ka tirsan baarlamaanka Sweden oo Wasiirka Mucaawinooyinka caalamka ee Sweden Mrs. Isabella Lovin weydiiyey su’aal la xidhiidhay kaalinta xukuumadeedu ka qaadanayso wax ka qabashada abaaraha ka taagan Somaliland ayaa sheegay inuu jawaabteeda sugayo muddo laba todobaad  gudahood ah.
Waraysi Maxamuud Walaaleye, oo hawl-wadeenada wargeyska DAWAN ka tirsan la yeeshay  xildhibaan Mr. Line ayuu weydiiyey siduu ku ogaaday xaalada ba’an ee abaaraha ka taagan Somaliland iyo in su’aasha uu weydiiyey dawladda  Sweden ee la xidhiidha Somaliland tahay markii koowaad iyo inay jireen xilliyo ka horeeyey.
Xildhibaan Mr. Line ayaa ku jawaabay “Waxaan booqasho ku tagay Itoobiya laba toddobaad ka hor, oo aan  warbixino badan oo la xidhiidha abaaraha ka taagan Geeska Afrika kula kulmay. Waxaan kulamo la yeeshay qurba-jooga Somaliland ee Sweden oo wer-wer ka muujinaya xaalada abaaraha ka taagan, sidoo kale waxaan akhriyey baaqii qeyla-dhaanta xukuumadda Somaliland caalamka u dirtay,natiijadii dhammaan kulamadii aan jaaliyadda la yeeshay ayaa igu ajburay inay muhiim tahay inaan qadiyadaa kaga hadlo Baarlamaanka Sweden.”
Mar la weydiiyey xildhibaan Mr. Line, in Wasiirka Mucaawinooyinka caalamka Sweden Mrs. Lovin jawaab ka bixisay su’aashiisa ku saabsan taageero xukuumadeedu ka geysanayso  abaaraha ka taagan Somaliland, waxaanu yidhi “Wasiirku  waa inay laba toddobaad gudahood kaga soo jawaabto su’aashan, waanan kuu soo diri doonaan, markaan ka helo jawaabta ay ka bixisay mawduucan.”
Dhinaca kale, Wefti ka socday Somaliland oo u hogaaminayey Guddoomiyaha Wakaalada Qurba-jooga Somaliland, Mr. Cabdiraxmaan Cabdillahi Dayax-weerar, kana mid ahaayeen Wakiilka Somaliland ee Sweden. Rooda Jaamac Cilmi iyo xubno ka mid ah guddigii dhowaan loo magacaabay ictiraaf-raadinta Somaliland ayaa kulamo si weyn loo soo agaasimay la yeeshay xildhibaanno  ka tirsan Baarlamaanka Sweden.
Kulamada oo la sheegay in  lagaga  wada hadlay arrimo ku saabsan Somaliland ayaa gebagebadii kulankaa, waxaa ujeedada shirkan iyo natiijada ka soo baxday faahfaahin ka siiyey telefishanka Qaranka Guddoomiyaha  Wakaalada Qurba-jooga Somaliland.
“Waxaan kulan kula yeelanay xubno ka tirsan baarlamaanka Sweden xaruntooda, oo aanu kala hadlay arrimo danno u ah Somaliland, kulan muddo laga soo shaqeynayey ayuu ahaa,”ayuu sheegay Mr. Cabdiraxmaan Cabdillahi, Gudoomiyaha Qurba-jooga Somaliland.
Mar la weydiiyey tafaasiisha xubnaha ka tirsan baarlamaanka Sweden ee  ay shirka la yeesheen. “Tafaasiisha arrinkaasi waa mid xasaasi ah, markaa wakhtiga ay ku habboonaato ayaanu shaaca ka qaadi doonaa, laakiin xubno si weyn noo soo dhoweeyey oo qadiyada Somaliland danaynayey ayaan la kulanay.”
Sidoo kale su’aal la weydiiyey Wakiilka Somaliland ee dalka Sweden Rooda Jamaac Cilmi oo la xidhiidhay dedaalada xukuumada Somaliland ku dardargelinayso qadiyadda ictiraaf raadinta ayaa ku jawaabtay
“Kulankii Wasiirka Arrimaha Dibedu dhowaan u qabtay dublamaasiyiinta dunidda u qaabilsan Somaliland ujeedadiisu waxay ahayd dardar-gelinta qadiyadda ictiraaf-raadinta Somaliland, wakiil walbana siduu arrinkaa u xoojin lahaa bilaabo, sidii waajibkaa na saaran iyo hawshii qadiyada ictiraaf-raadinta aanu horeba u wadnay u sii xoojin lahayn ayuu la xidhiidhay kulanka aanu baarlamaanka Sweden la yeelanay.”
Arrimahan la xidhiidha taageero laga geysto xaaladaha abaareed ee ka taagan dalka iyo kulamada weftiga ka socday   Somaliland la yeesheen xildhibaanno ka tirsan  baarlamaanka SWEDEN, ayaa noqonaya kuwo macluumaad dheeraad ah siiyaan  baarlamaanka iyo xukuumadda Sweden oo safka hore kaga jirta wadamadda inta badan ka garaaba qadiyadaha wadamadda indhaha caalamku ka laliyo sida Falastiin oo ay ictiraaf u fidiyeen sannadkii hore.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply