Guddoomiyaha KULMIYE Iyo Wefti Uu Hoggaaminayo Oo Si Diiran Lagu Soo Dhaweeyey Berbera

0
284

Berbera (Dawan)- Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, ahna Murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbigaasi Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa shalay si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil iyo jiida hoos timaada.
Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi iyo weftigiisa ayaa soo dhawyn aan loo kala hadhin kala kulmay dadweynaha ku dhaqan Gobolka Saaxil, waxaana gaadiid tiro badan iyo dadweynihii soo dhawaynayay ay kaga horyimaadeen Tuulada Abdaal, waxaanay u galbiyeen dhinaca magaalada Berbera iyaga muujinayay baaxadda taageerada ay u hayaan xisbul-xaakimka Somaliland iyo Guddoomiye Muuse Biixi
Muuse Biixi Cabdi ayaa markii uu soo gaadhay magaalada Berbera waxa uu meel fagaare ah kala hadlay dadweynihii soo dhawaynayay, waxaanu aad ugu mahad naqay bulshada reer Saaxil ee halkaasi ku soo dhaweeyay waxaanu yidhi “Waxaanu idinku dhiiri gelinaynaa in aad u hagar baxdaan diwaan-gelinta codbixiyayaasha, gobolka Saaxil waa gobol buuraley iyo xeeb ah dadkuna waxay degenyihiin dhul aan waddooyin lahayn, waxaanu idinku wargelinaynaa in dadkaas la soo guro oo la soo gaadhsiiyo goobaha ay diwaan-gelintu ka socoto.”
 
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE mudane Muuse Biixi Cabdi waxa kale oo uu intaa ku daray “Waxaad muujiseen ilbaxnimadii Saaxil iyo Berbera, Waxaad Muujiseen Degenaanshihii iyo soo dhawayntii la idinku yaqaanay. Dalka waxaa ka jirta abaar kulul, ILLAAHAY waxaan ka baryayaa in uu abaarta innaga soo jabiyo oo roob khayr qaba ina siiyo, ILLAAHAY waxaan ka baryayaa in uu dalka, duunyada iyo dawladaba inoo barakeeyo, waxaan ku ducaynayaa in dadka ILLAAHAY wallaaleeyo, wixii khilaaf ahna ka dhex saaro, in Somaliland u midawdo, hurumarkeeda, difaaca dalkeeda iyo korinta mustaqbalkeeda.”
 
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee gobolka Saaxil Axmed Yuusuf Halac, ayaa isaguna halkaasi ka hadlay waxaanu dadweynaha reer Saaxil u soo jeediyay in ay is diwaan geliyaan oo ay si fiican u qaataan kaadhka codbixinta doorashooyinka Somaliland waxaanu yidhi “Reer Saaxil waa in ay diwaangelinta codbixiyayaasha aad ugu diyaar garoobaan, guddoomiyuhuna waxa uu innagala hadlayaa arrintaas. Guddoomiyaha waxaan leeyahay guddoomiye u soo dhawaw gobolka Saaxil iyo taageerayaashaadii oo soo dhawayntaada diyaar u ah.”
 
“Waxaa la innaga doonayaa in aynu is diwaan gelino oo aynu qaadano kaadhka codbixiinta doorashooyinka, waxaan dhammaan ku wargelinayaa oo aan ku boorrinayaa reer Saaxil in ay guntiga dhiisha iskaga dhigaan, oo ay qaataan kaadhka, guddoomiyaha xisbiga KULMIYE waxa uu u socdaa wixii aad ku aarsan lahayd ee aad codkaaga ku meel marin lahayd in ay reer Saaxil qaataan,”ayuu yidhi Maayarka Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Ciddin).
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply