Marwadda Koowaad Ee Somaliland Oo Tallooyin Ugu Nasteexaysay Xisbiyadda Ku Hirdamaya Tallada Dalka

0
317

Hargeysa (Dawan) – Marwadda Koowaad ee Jamhuuriyadda Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde, ayaa ku baaqday in doorashooyinka madaxtooyadda iyo wakiiladda ee lagu wado inay dalka ka qabsoomaan kal-dambe inay noqoto mid aan la is jiid-jiidan, hase yeeshee six or ah oo walaaltinimo ah loogu kala baxo.
Marwo Aamina Waris waxa kale oo ay u soo jeedisay Hoggaamiyeyaasha asxaabta qaranka iyo goleyaasha baarlamaanka  inay tix-geliyaan kootadii madaxweynuhu u soo gudbiyay ee kuraasida gaarka ah loogu xidhayay haweenka doorashooyinka Goleyaasha deegaanka iyo wakiiladda. Marwadda koowaad waxay sidaasi ka sheegtay khudbad ay habeen hore ka jeedisay xaflad balaadhan oo lagu qabtay Huteelka Maansoor ee caasimadda Hargeysa oo loogu dabaal degayay maalinta haweenka adduunka ee 8-da March. Xuskan oo sannadkan hal ku dhig looga dhigay “Aan taageerno haweenka xanuunadda maskaxda qaba.”
 
Waxa Munaasibadan  ka soo qeyb-galay  masuuliyiinta wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada,  marwada koowaad ee qaranka Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde (Aamina Weris), xildhibaanno, madaxda xisbiyada mucaaridka ah, hoggaanka Ururrada haweenka ee NOW iyo NAGAAD, Hay’ado caalami ah, haween iyo  dadweyne kale oo aad u tiro badan.
Marwadda koowaad ee qaranka Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamed  Jirde (Aamina Waris) oo  madashaas   ka hadashay ayaa gabi ahaanba haween weynaha Somaliland gudo iyo dibadba u dirtay hambalyo  munaasibadda maalinta haweenka adduunka. “ Haweenka Somaliland caawa hamballyo iyo duco ayaan u diraya hadday gobollada joogaan, haddii ay caasimada joogaan , haddii ay miyiga joogaan, iyo haddii ay qurbaha joogaanba, waxaanan  Illaahay uga baryayaa in bishan bisheeda uu innagu gaadhsiiyo bash bash iyo barwaaqo,”ayay tidhi Marwo Aamina Waris Sheekh Maxamed Jirde.
 
 
Marwadu waxaa ay xustay in haweenka  xanuunada maskaxda  asiibeen   ay gaadhsiiyeen deeq isugu jirtay dhar iyo dhuuni, waxaanay tidhi “Waxaa sharaf noo ah raashinka iyo huga ay xidhanayaan dumarka maskaxda  wax ka qaba amase baahan ee maanta deeqda la gaashsiiyay, waxaana innoo hirgalay in dadkeenna xanuusanaya iyo kuweena baahanba innaga oo gacmaha is heysana aynu gaadhsiino wixii la gaadhsiin karayo.”
Marwo Aamina Waris waxay ku baaqday in tix-gelin buuxda la siiyo kootada haweenka ee doorashooyinka, waxaanay tidhi  “Xisbiyada mucaaridka ah iyo kuwa muxaafidka ahba, waxaan u soo jeedinaya in ay isku kaaya garab taagan halgankan aanu ugu jiro, dumarku in ay ka muuqdaan, kaalinta ay maanta kaga jiraan siyaasada dalkan Jamhuuriyada Somaliland waxaana weeyaan Kootada uu madaxweynuhu laba jeer baarlamaanka ku celiyay, waxaaanu doonaynaa in aan mar saddexaad lagu celin, xildhibaanadow gudoomiyayaasha baarlamaankoow, gudoomiyayaasha xisbiyadoow, Wasiirradow, waxgaradkow arrintaa nala garab gala.”
Marwadu waxa kale oo ay soo jeedisay in tartanka doorashooyinku noqdo mid aan la is jiid-jiidan, waxaanay tidhi  “Tartan xalaala inaynu tartano marka ay doorashadu bilaabanto, innaga oo aan is jiid jiidanayn ,  in ay noqoto midnimo, walaaltinimo, innaga oo aan is dileyn innaga oo waxa kaliya ee aynu isku heynaa ay tahay, annagaa Somaliland si fiican u xukumayna , iyo annagaa u xukumeynaa, kuligeenba waynu wada xukumi karnaa waxaana laga yaaba uun in lagu kala wanaagsan yahay maantana haddii aynaan is wada diwaan-gelin oo aynaan kaadhadhkeenna qaadan diwaangalintu waa ay innaga xumaanaysaa.”
Wasiirka wasaarada maaliyada Somaliland marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa  munaasibadaasi hadal ka jeedisay, waxaanay sharaxday sida ay dumarku uga qeyb qaataan arrimaha nabadeynta  iyo  dib u dhiska dalka waxaanay tidhi  “Nabadda aynu maanta haysano waxaa laf-dhabar u ahaa dumarka, markii nabada la abaabulayay haween  weynaha Somaliland waxa ay ka qaateen qeyb laxaad leh, iyaga ayaa reeraha hayay markii odayaashu nabada ka shaqeynayeen, gabadh waliba haddii uu ninkeedu is adkeeyo iyada ayaa ku qeylinaysay oo qoriga ka qaadaysay taasina waa ta aynu maanta halkan ku soo gaadhnay, horumarka wadankana dumarku qeyb laxaad leh ayay kaga jiraan wadamo badan oo innaga ictiraaf horeeyay ayaynu ka nabad wanaagsanahay.”
Guddoomiyaha xisbiga cadaalada iyo daryeelka ee UCID  Faysal Cali Waraabe oo isaguna halkaasi hadal ka soo jeediyay ayaa ururka Nagaad u soo jeediyay In hooyooyinka danyarta ah ee suuqa wax ku iibiya ay wax la qabtaan waxaanu yidhi “Hooyadu iyada ayaa maanta reerka u shaqeysa, oo cuntada keenta, hadii reer Nagaad iyo Nowow aad siyaarataan oo aad booqataan kuwa hilibka qala amase khudrada iyo hadhuudhka iibiya meel ay ku kaajaan iyo meel ay hadhsadaan toona malaha, waala cashuura oo subax walba waxaa hortaagan dawladii hoose, hadh uma sameyso masqul uma sameyso, biyo uma sameyso, subixii sida ay u soo fadhiisato kalyaha ayaa buuxsamaya sida ay kaadida u xejisanayso, waa inaad kuwaas eegtaan”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply