Guddoomiyaha Wajaalle Oo Beeniyay In Uu Bur-buriyay Bali Ay Dad Shacab Ah Lahaayeen

0
247

Tog-wajaale (Dawan): Gudoomiyaha degmadda Tog-wajaale ee gobolka Gabiley Md. C/casiis Saleebaan Xasan, ayaa beeniyay war  ay qoreen qaar ka mid ah wargeysyadda oo sheegayay in uu bur-buriyay Bali ama Dhaam ay dad shacab ah lahaayeen oo ku yaalay magaaladda Wajaale.
Waxaanu  waxba kama jiraan ku tilmaamay  guddoomiyaha Wajaale  warkaasi, isagoo  sheegay in uu yahay mid aan sal iyo raad toona lahayn, isla markaana mala-awaal ah oo aanay waxba ka jirin.
C/casiis Saleebaan Xasan, oo xalay telefoonka kula soo xidhiidhay  wargeyska DAWAN isagoo  joogay magaaladda Wajaale, ayaa sheegay in  uu aad ula yaabay warkaasi ay isaga ka qoreen wargeysyadaasi.“Warkaasi waa mid aanay waxba ka jirin, mana jirto meel aan anigu ku aasay ama ku bur-buriyay Bali ay dad shacab ahi lahaayeen, xataa ma jirto in aan baabiiyay Moos ama gacanka biyaha loogu soo duwo Baliyadda. Waana wax aad loola yaabo in ay wargeysyadaasi  qoraan war  aan jirin oo malo-waal ah”ayuu yidhi C/casiis Saleebaan.
Waxa kale oo uu sheegay guddoomiyaha magaaladda Tog-wajaale in uu ka rabo wargeysyadii warkaasi qoray cadaynta   arrintaasi, isla markaana ay keenaan halka uu ku yaallo  Baliga uu aasay ama bur-buriyay.Waxaanu yidhi “Waxaa laga rabaa wargeysyadii warkaasi qoray in ay keenaan cadaynteedda, Baliga aan bur-buriyay iyo meesha uu ku yaallo iyo cidda iska lahayd  iyo sababta  ay u qoreen warkaasi beenta ah.  Waxaanan ka doonayaa wargeysyadani in soo cadeeyaan beenta ay iska qoreen, ee aan salka lahayn, waana in ay soo bandhigaan sawiradiisa Baliga ay leeyihiin guddoomiyaha ayaa aasay.”
Guddoomiyaha oo aanu waydiinay sababta loo aanayn karo in ay wargeysyadaasi qoraan warkaasi aan jirin, waxa uu ku jawaabay “Waa wax lala  yaabo in arrin aan jirin la iska qoro, waxaanan filayaa in cid u jeedo leh ay u dhiibtay  ama u gudbisay,  kadibna iyagoon iska hubin ay iska qoreen” ayuu yidhi guddoomiyaha magaaladda Tog-wajaale.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply