Madaxweyne Ku-xigeenkii Hore Oo Xukuumadda Ugu Baaqay In Ay Sharciga Mariso Cid Kasta Oo Qoomaysa Nabad-gelyadda Dalka

0
289

Hargaysa (Dawan): Madaxweyne ku xigeenkii hore ee   Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa  ugu baaqay xukuumadda in ay  gacan adag   ku qabato, isla markaana tallaabo sharci ah ka qaado  cid kasta oo isku dayda in ay  khal-khalgeliso   amaanka iyo xasiloonida dalka.Waxaanu  sheegay in dawladnimada  loo sameeyay in dadku ku kala bad-baadaan, isagoo   tilmaamay in Xukuumadu u xilsaaran tahay wax ka qabashada  falalka xun-xun ee dalka ka dhaca.
Axmed Yuusuf Yaasiin oo shalay warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeisa  ayaa dhinaca kale waxa uu soo dhaweeyay qaabka ay koomishanka doorashooyinka u wadaan diiwaangelinta codbixiyayaasha ee dalka ka socota.
Isagoo    arrimahaasi ka hadlayayna  waxa uu yidhi “Markii aynu isku nimid ee dawladnimadda   Somaliland la sameeyay, waxaynu  dhisanay  dawlad   leh  haykalkii dawladnimo  oo saddex tiir ka kooban,   fulintii,  baarlamaankii iyo gar-soorkii ayaan samaysanay .  sharci  ayaynu samaysanay  aynu umaddeena ku kala hagno.   marka  ay wax dhacaan ama nin qaranka ka tirsan la dilo in la yidhaahdo  ayaa reer hebel ah,  waa xaaraan taliyahaasu qaranka ayuu ka dhintay. Dawladana  waxa loo doortay oo meesha loo saaray  in  wixii qaranka ka hor imanaya  ay  gacan birr  ah  ku qabato, taas  ayaa loo dhaariyay. Laakiin  in qabaail isku yimaadaan oo arrinkaa ka wadahadlaan waa arrin qaribaya mustaqbalkii dawladnimo,  waxaanan  ka digayaa in qabiil lagu celiyo dilkii taliyihii booliska gobalka Saaxil  bur-burkuna waxa uu ku yimaadaa qaabilka,  dawlada waxa loo sameeyay in ummaddu   ku kala bad-baado marka ay wax dhacaan  dawlada ayaa  wax ka qabanaysa,  marka ay wax dhacaan ma aha in qabaail u kaco  hebel ayaa la dilay waa xaaraan. qarankuna waa in uu sameeyo waajibka ka saaran nabadgelyada oo wixii khal-khalinaya  gacan  birr ah  ku qabto.”
Dhinaca   kale madaxweyne ku xigeenkii hore  Axmed Yuusuf Yaasiin,  waxa uu soo dhaweeyay qaabka ay  diiwaangelinta  codbixiyayaasu dalka uga socoto, waxaanu  ugu baaqay dadweynaha gobalka Saaxil in ay ka qaybgalaan diiwaangelinta codbixiyayaasha ee toddobaadka dambe  ka bilaamaysa gobalkaasi. “Diiwaangelintan socota,  waxaan filayaa in ay aad u fiican tahay,  oo ka fiican tahay tii hore ee la musuqay  oo ah mid aan lagu cel-celin Karin.   Waxaanan  u soo jeedinayaa dadweynaha gobalka  Saaxil in ay ka qaybgalaan diiwaangelintaasi  socota”ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin.
Ugu danbayn  Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu ka hadlay arrinta kala xadaynta goboladda dalka, waxaanu sheegay in aanay ahayn  mid ku salaysan qabaa’il   kala xadaynta gobalada iyo degmooyinka dalku. Waxaanu  yidhi  “Xeerka kala xadaynta gobalada  iyo degmooyinka dalka weli lama samayn,  dadkuna qalad ayay ka fahamsan yihiin.  Dadka  aan u bayaamiyo waxa   ay   tahay kala xadaynta gobalada iyo degmooyinka iyo xuduudaha u dhaxeeya   gobalada iyo degmooyinka,  xuduuduna ma aha mid qabaa’il ee waa mid cashuur bixineed,  waxan  la kala xadaynayaa waa cashuuraha degmooyinku kala leeyihiin, ee ma aha qabiil baa meel laga qaaday,  oo qabiil kale  ayaa la siiyay,  ayaan loo qaadanin kala xadaynta mid qabaa’il’.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply