Iiran oo Riddeysay Gantaallo Balastika ah

0
338

Iiran ayaa riddeysay laba gantaal oo cusub oo kuwa ballastikada  ah, sidaasna waxa sheegtay warbaahinta dawladda.
Iiraan ayaa sii wada dhoolatus milateri oo u keeni kara jawaab dublomaasiyadeed oo adag oo kaga timaada Maraykanka.
Sida ay wararku sheegayaan ilaalada kacaanka ayaa ka ganey gantaalahan waqooyiga Iiraan iyaga oo u jiheeyay dhinaca koofur bari bartilmaameedyo ah.
Salaasadii ayaa dalkaasi sheegay in ay rideen  dhawr gantaal oo ballastikada ah oo qeyb ka ah  dhoolatuskan.
Bishii January, ayaa mareykanku ku soo rogey cunaqabateyno bartilmaameedsanayay barnaamijka gabtaalaha Iiraan taas oo jawaab u aheyd tijaabooyin hore.
Khubarada QM ayaa sheegay inay tijaabooyinkaasi jebnayaan qaraarkii golaha amniga.
 
 

Leave a Reply