Wasiirka Warfaafinta Oo Kulan La Yeeshay Masuuliyiinta iyo Mulkiileyaasha Shebekadaha Wararka

0
307

Hargeysa(Dawan):- Wasiirka  wasaaradda warfaafinta,  Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Md. Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani), ayaa  shalay  xafiiskiisa kulan kula yeeshay  Ururka Shabakadaha Wararka Somaliland ee Somaliland Online Media Association (SOMA) iyo weliba Masuuliyiinta iyo Wakiillada Shabakadaha qaarkood.

 
Kulankaasi dhex maray  wasiirka  warfaafinta  iyo  masuuliyiinta Ururka Mareegaha  waxaa goob-joog ka ahaa Agaasimaha guud ee Wasaaraddaas Maxamed Cilmi Aadan (Ilka-case), Maareeyaha TV-ga Qaranka Cabdi Cali Mahdi, Cabdillaahi Aadan Cumar (Wayab) oo ka tirsan Khabiirrada Saxaafadda ee Wasaaradda Warfaafinta, Madaxa Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta Mawliid Maxamed Shaqalle.
Waxaana  laga wadahadlay sidii Danta guud ama Danta Qaranka looga wada-shaqayn lahaa, isla markaana ay Saxaafadda Internet-ku uga dheeraan lahaayeen wax kasta oo dhibaato ku keeni kara nabadgelyada, danta Qaranka, wada-jirka iyo midnimada Beelaha Somaliland.
 
Kulankaasi  oo dood dheer iyo wadahadal saacado socday dhex-maray Wasiirka iyo Masuuliyiinta kale ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland ee kulanka goob-joogga ka ahaa, ayaa  Doodda iyo falanqayntaa ka dib, waxaa la iskula qaatay Kulankan Arbacadii Maanta dhex-maray Madaxda Wasaaradda Warfaafinta iyo Madaxda Shabakadaha Wararka ee Somaliland ka hawlgala, qodobbo dhawr ah oo lagu xoojinayo Madax-bannaanida Saxaafadda, ilaalinta Anshaxa suubban, nabadgelyada, midnimada, Qarannimada iyo ka dheeraanta sumcad-dilidda Masuuliyiinta iyo Muwaaddiniinta iyo wixii la mid ah.
 
Qodobbada ay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) iyo Madaxda Warbaahinta Internet-ka ee Somaliland iskula qaateen Shirka ay Arbacadii Maanta wada-yeesheen, iyaga oo qoraal ah waxa ay u dhignaayeen sidatan.
 
1-        Arrimaha Amniga iyo Xasilloonida dalka.
2-        In ay innaga reebbanaato faafin fidno Qabiil kicin ah.
3-        In aan la baahin/Qorin War Been-abuur ah.
 
 
4-        In aan ka digtoonaanno faafinta ama qorista Suldaan ama Caaqil ku hanjabaya Af Qabiil.
5-        In aan iska ilaalinno faafinta iyo Baahinta wax kasta oo halis ku ah Amniga iyo Ciidanka Qalabka sida Faro-gelintiisa-ba haddii aan si rasmi ah loo faafin.
6-        In Baahinta Magaca Qabiilka ama Beel aan ku beddelno gobol, degmo, magaalo ama Tuulo.
In isku-dhufashada dalalka Jaarka ah sida Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Somaliland oo waxyeeli kara Cilaaqaadka fiican ee ka dhexeeya labada dal ay innaga reebban yihiin.
7-        In aan iska ilaalinno aflagaaddo Shakhsi oo qofka Muwaaddinka ah lagu dhaawacayo Sharaftiisa, Sumcaddiisa iyo Karaamadiisa-ba.In Saxaafaddu Xor tahay oo la ilaalinayo Madax-bannaanideeda.Allaa Mahad Leh.”
 
Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) oo bishii hore Wasaaraddan Madaxweynuhu u soo beddelay, ayaa intii uu xilka Warfaafinta la wareegay kulammo la yeeshay qaybaha kala duwan ee Warbaahinta, Sida Ururka Saxaafadda Somaliland ee SOLJA, Madaxda TV-yada iyo Wargeysyada Hargeysa ka soo baxa, kuwaasoo ay qodobbadan oo kale isla meel-mariyeen ama isla-qaateen. Waana markii ugu horreysay ee sidan oo kale Wasiir Warfaafinta joogaa ula kulmo Ururka Shabakadaha Wararka ee Somaliland ka hawlgala.
Dawannews Hargeysa office
 
 
 

Leave a Reply