Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Oo Maanta Ka Bilaabmaysa Saaxil, Gabiley Iyo Hawd

0
278

Hargeysa(Dawan): Komishanka doorashooyinka qaranka  Somaliland  ayaa shalay u kala diray 200 oo shaqaale ah oo ka hawlgeli doona 84 goobood oo ku yaalla gobolka Saaxil oo ay maanta si rasmi ah uga bilaabmayso diiwaan-gelinta codbixiyayaashu.
Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka C/qaadir Iimaan Warsame  oo warbaahinta kula hadlay magaaladda Berbera  waxa uu sheegay in 84 goobood loo qoondeeyay in gobolka Saaxil ay ka bilaabmayso   diiwaangelinta codbixiyayaasha, Waxaanu  yidhi  “Waxaanu   maanta (shalay)  u diraynaa shaqaalihii ka hawgali lahaa goobihii iyo agabkii gaadiidkii ka hawlgalayay, diiwaangelinta codbixiyayaasha ee maalinta bari ah (maanta)  ka bilaabmi  doonta gobolka Saaxil.  saaka   subaxnimadii (shalay)  ayaa la bilaabay, sida aanu ku rejo waynahayna waa inay gaadhaan qalabka lagu qabanayo diiwaangelinta shaqaalaha ka hawlgalayaa iyo gaadiidkuba ay gaadhaan goobihii loogu talogalay,  oo ah 84 goobood.”
Marwo Kaltuun Sheekh Xasan,  oo ka mid ah xubnaha komishanka doorashooyinka, isla markaana u qaabilsan komishanka gobolka Saaxil, ayaa  u soo jeedisay dadweynaha gobolka Saaxil inay ka qaybgalaan diiwaangelinta codbixiyayaasha. “Dadweynaha gobolka Saaxil waxaan u soo jeedinayaa in ay soo dhaweeyaan shaqaalaha diiwaangelinta codbixiyaasha ka hawlgelaya,  dadkuna ay is diiwaangeliyaan sidii loogu talo galay.  Diiwaangelintuna   waa furihii doorashadda lagu geli lahaa,  qof waliba ha ka hawl galo sidii uu u qaadan lahaa kaadhka diiwaangelinta codbixiyayaasha” ayay tidhi Kaltuun Sheekh Xasan.
Sidoo diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha ayaa maanta ka bilaabmaysa  goboladda  Hawd iyo Gabiley iyo degaamadda hoos yimaadda. Waxaanay sheegayaan wararkii u danbeeyay ee aan goboladaasi ka helnay in si buuxda loo kala diray qalabkii iyo shaqaalihiiba, isla markaana ay si nabad ah ku gaadheen goobihii loogu talo galay.
Diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha  ayaa hore uga soo qabsoontay  goboladda Togdheer iyo Awdal, iyadoo gobolka Saaxil uu noqonayo kii saddexaad ee ay diiwangelintu ka dhaco.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply