Duruufaha Abaareed Ee Gobolka Saraar Oo Laga Deyriyay

0
269

Caynaba (Dawan): Weriyeyaal ka socda wasaaradda warfaafinta Somaliland oo goboladda dalka ku maray socdaal ay ugu kuur-gelayaan baaxadda abaarta iyo xaaladaha nololeed ee dadka iyo duunyadda, iyadoo ay safarro ku marayaan goboladda galbeedka iyo bariga dalka.
 
Meelaha ay weriyeyaashu soo mareen waxaa ka mid ah banka loo yaqaano Saraar oo ku yaala inta u dhaxaysa magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo, isla markaana degaan ahaan ka tirsan gobolka Sanaag, degmadda War-idaad iyo meelo kale.  Waxaanay kooxdan weriyeyaasha ah meelaha ay soo mareen ka diyaariyeen  warbixino ay ku qiimaynayaan sida ay wakhtigan tahay xaaladda degaamadaasi iyo  is-bedelka  ku yimid abaarta darteed  meelihii dhul-daaqsimeedka ahaa ee lagu yaqaanay midabka gacaaran.
 
Markii ay marayeen degmadda War-idaad oo ka tirsan gobolka Saraar, waxay weriyeyaashu kula kulmeen guddoomiye ku xigeenka gobolka Saraar Ibraahim Maxamed, oo isaga laf ahaantiisu xiligaasi ku guddo jiray kormeer uu ku marayay  qaar ka mid ah degaamadda hoos yimaadda gobolka Saraar gaar ahaana dhinaca woqooyiga.
Badhasaabka ku xigeenka gobolka Saraar ayaa weriyeyaasha  uga waramay   waxyaabihii uu ku soo arkay meelihii uu soo maray.   Waxaanu yidhi “Kormeer ayaan u soo baxay, kaasi oo aan ku eegayay  abaartu heerka ay gaadhsiisan tahay iyo baahidda dadka haysa iyo biyo la’aanta jirta in aan xog-ogaal u noqdo. Qaybo ka mid ah degaamadda gobolka maan wada gaadhin, laakiin  intii aan soo maray  iyo inta kale ee aan xogtoodda hayaba, waxaa ugu daran  dhinacan woqooyiga aanu roobku labadii sanadood ee u danbeeyay ka di’in, iyadoo ay dadkii uga hayaameen dhinaca hawdka, muddo lix bilood ah ayaanay dadkii ka maqan yihiin, lixdaa bilood ee laga maqnaa tuulooyin ilaa sodon gaadhaya  oo saddex degmo ka kooban, oo kala ah War-idaad, Ceelal iyo Dhanaanno inta u dhaxaysa  waa laga tegay, waxaana ku hadhay dadkii xamasta ahaa iyo waayeelkii. Waxaa gobolka Saraar maanta ka taagan baahi  cunto oo aad u daran, dadkii reer baadiyaha ahaana way liitaan.”
 
Sidoo  kale  maayarka degmadda War-idaad  ayaa weriyeyaasha uga warbixiyay heerka abaarta iyo halka ay marayso xaaladda nololeed ee bulshadda degaamadaasi.  “Degmadani waxaa ka taagan xaalad abaareed, taasoo  dalka intiisa kaleba saamaysay,  degmadan iyo degaamadda ku dhaw-dhawna  ay la qabto, tuulooyinkana waa   laga hayaamay.  Waxaana  ka taagan xaalad abaareed oo aad u daran,  biyo la’aanta ayaana mudooyinkan danbe aad u soo badanaysa. Waxa kale oo ka mid ah duruufaha jira xaaluf ba’an  kaasi oo keenay in ay xooluhu wax ay  cunaanba waayaan” ayuu yidhi maayarka degmadda War-idaad.
Dhinaca kale waxay weriyeyaashu kormeerkaasi ku soo mareen  tuuladda Gadhka, waxaanay  xaaladda abaarta  eek a taagan halkaasi ka waraysteen qaar ka mid ah  odayaasha iyo bulshadda kale ee ku dhaqan tuuladaasi.Waxaanay dadka tuuladda Gadhka sheegeen in ay xaaladda abaarta u dheer tahay  xoolaha iyo dadka degaankaasi xanuuno   aanay garanaynin ay haysta, isla  markaana ay jiraan dad badan oo u jiifa xanuunkaasi.
Dawannews Hargeysa office
 
 

Leave a Reply