Israa'iil oo Xidhey TV-ga Falastiiniyiinta

0
299

Ciidamada Israa’iil waxa ay xidheen telefishan ay lahaayeen Falastiiniyiinta oo ku yaala Daanta Galbeed. TV-gaa Yahuuddu waxay ku eedeeyeen inuu faafinayay warar naceyb abuuraya iyo kicin dad weyne.
Ciidamada Israa’iil waxay habeen hore  weerar ku qaadeen xarunta TV-ga oo lagu magacaabay Maanta iyo Falastiin oo fadhi u ahayd Ramallah.
Waxay qaateen qalabkii Telefishinka iyo war lalisyada xaruntaasi yaalay.
Barta amniga Inetrnet-ka ee Israa’iil, Shin Bet, waxa ay warbaahinta Falastiiniyiinta ku sheegtay inay u adeegto Islaamiyiinta iyo Jihaadka.
Waxa ay laantaasi sheegtay in TV-ga iyo barihiisa internet-ka laga baahiyo warar dhiira gelinaya weeraro ka dhan ah Israa’iil.
Kanaalkaasi oo sidoo kale xarumo ku leh marinka Qaza, waxaa la sheegay inay wararka ay u soo gudbinayeen Daanta galbeed ayagoo adeegsanaya war lalisyo yaalla dalka Lubnaan.
 

Leave a Reply