Ninka ugu Da’Weyn Dunida

0
307

Yahuudi ka badbaaday xasuuqii  Naasiga ee xeradii dhimashada ee  Auschwitz ayaa noqday haatan ninka ugu da’ weyn dunida, sidaasna waxa lagu sheegay buugga  diiwaangelinta dhacdooyinka dunida ee the Guinness World Records.
Ninkaasi oo la yidhaa Yisrael Kristal ayaa ku dhashay agagaarka  Zarnow ee dalka  Poland sannadkii  1903, waxaanu soo jirey labadii dagaal ee dunida ka hor intaanu u soo guurin 1950 kii magaalada  Haifa ee Israa’iil.
Waxaa uu jiraa haatan  112 sano iyo 178  cisho  maanta oo bishu tahay 12 Maaris, sida uu sheegay ururka diiwaangelinta dhacdooyinka dunida.
Qofka dunida ugu weyn ee maanta nool ayaa la rumeysan yahay in ay tahay haweenay Ameerikaan ah oo la yidhaa  Susannah Mushatt Jones, oo jirtey  115 sano iyo  249 cisho.
Sida oo kale inta buugga dhacdooyinka lagu diiwaangeliyay qofkii dunida ugu cimri  dheeraa ayaa lagu sheegay in ahayd Jeanne Calment  oo Faransiis ahayd, taaso oo  geeriyootey iyada oo jirtey 122 sano iyo  164 cisho.
 
 

Leave a Reply