Maalgashiga Tamartu Waa Furaha Horumarka Dalka

0
330

Tan iyo markii ay dhalatay Xukuumadda KULMIYE ee uu gadh-wadeenka ka yahay madaxweyne Axmed  Siilaanyo,  waxaa la dar dar geliyay baadhista iyo sahaminta khayraadka kala duwan ee dalka  ku jira,  si loo  ogaado Somaliland khayraadka ay hodanka ku tahay.Taasi oo u jeedadda laga lahaa ay tahay   si  dalku u  helo  maal gashi,    loogana  faa’iideeyo isla markaana dalku dhaqaale ahaan kor  oo uu noqdo dal khayraadkiisa la soo baxa oo  ka mid noqda dalalka  caalamka ee khayraadkooda manaafacaadsada.
Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta oo uu xilkeeda qabtay dhalashadii Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Eng.  Xuseen Cabdi Ducaale oo ah khabiir ku takhasusay aqoon durugsanna u leh arrimaha macdanaha iyo  Batroolka, waxaanu  dedaalo badan u   galay   ka midho dhalinta khayraadka dalka ayuu wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland qaaday,  oo uu caalamka  intiisa badan ku soo maray. Waxaanu  dalka ka bilaabay sahaminta shiidaalka  iyo baadhista macnaha kala duwan ee dalka ku jira.
Waxaa uu Somaliland ku soo jeediyay indhaha maal gashadeyaal tiro badan oo ka shaqeeya hawlaha sahaminta ama baadhista  macdanaha iyo  shirkado  waaweyn oo ka mid ah   kuwa dunida ugu caansan ee shiidalka soo saara.Muddo badan ayuu Wasiir Eng Xuseen dalal kala duwan oo caalamka ah ku soo bandhigay sahamin shiidaal sahamin iyo macdan baadhis ah oo uu ka sameeyay  goboladda loo amalaynayo in laga heli karo macdan ama shiidaal ee  dalka Somaliland.Sahamada Somaliland laga qaaday ee ay Wasaaradda Macdanta iyo Tamartu  dalka ka hir galisay ee Wasiir Xuseen shirarka caalamiga ah  kaga  qayb galay ku soo  bandhigay waxay soo dedejiyeen in Somaliland ay hesho daneeyayaal u hanwayn in ay khayraadka dalka maal gashadaan.Hase yeeshee  waxaa jiray  hal qodob oo Wasaaradda caqabad ku ahaa isla markaana cid kastaabay ay waydiinaysay taasoo ahayd soo bandhigga sahamin kama dambays ah oo shiidaal  dalka laga qaaday  si  loo helo meelo lagu kalsoonyahay  shiidaalka ku jira   loona  guda gali karo sidii loo soo saari lahaa. Taasoo Wasiirku in badan dedaal dheeraad ah galiyay sidii ay u dhamaystirmi lahayd.Waxaanu shirkii ugu dambeeyay ee arrintaa lagu dar dar galinayay ka furay shalay magaalada Burco ee Xarunta gobolka Togdheer. Waxaa kale oo jiray caqabad ka taagnayd maal gashiga  khayraadka Tamarta Cadceedda iyo dabaysha oo laga soo saari lahaa laydhka Tamarta laga dhaliyo kaasoo u baahday xeerkii lagu dhaqayay.Balse wasaaradda Macdanta iyo Tamarta ee  uu gadhwadeen ka yahay  Eng.  Xuseen waxay ku guulaysatay in  ay soo diyaariso xeer nidaamiyihii  lagu dhiqi lahaa Khayraadka Tamarta Korontada,  xeerkasoo ay la kaashatay khuburo caalami ah oo aqoon u leh.Taasina waxay suura galisay in  wasaaradu  ku marti galiso shirkii Caalamiga ahaa ee ka faa’iidaysiga iyo maal gashiga Tamarta nool oo dhawaan Hargeysa ka furmay,  shirkaasi oo ahaa  kii u  horreeyay ee noociis ahaa   oo lagu qabtay Nairobi Kenya,  sanadkiisii labaadna ay Somaliland nasiib u heshay in ay marti galiso.Haddaba wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland dedaalka ay waddo iyo hawl karnimada Wasiir Eng Xuseen Cabdi Ducaale labaduba waxay inooga baahan yihiin in aynu isku garab taagno sidii looga midho dhalin lahaa sahaminta iyo baadhista shiidaalka dalka iyo maalgelinta khayraadka Tamarta Korontada.  Si  dalku uga baxo dhaqaale xumada iyo shaqo la’aanta bulshadeena haysata  isla markaana khayraadkeenu inoogu soo boxo oo aynu uga faa’iidaysano inta aynu nool nahay.Laakiin haddii bulshadu caqabad ku noqoto ka midho dhalinta soo saarista khayraadka dalkeena ee dihin waxay taasi noqonaysaa in aynu inagu diidanahay in aynu horumar gaadhno isla markaana dhamaanteen wakhtigeenna aynu u hurnay Qayilaad iyo tacab diid.
Ugu dambayn qormadan kooban waxaan ku soo afmeerayaa markaynu tabcano ee aynu is garab taagno horumarka dalka ayaynu horumar gaadhaynaa, laakiinb haddii aynu  tabcasho diidno hadalna wadno ogow akhrisre in ay taasi tahay dib u mar iyo khayrkeen oo aynu ka hadhno.Aan ku soo xidho faaladaydan Hees ka mid ah Heesaha kooxda Ciidanka qaranka ee Gaashaan ay qaadaan oo uu curiyay alle ha u naxasiintee Abwaan Sahal Axmed.
Cudud aan tabcan.
Calaacalo bannaan.
 
Ceeb saaran iyo.
 
Cabashiyo dawaro.
 
Caydhi kuma baxdee.
 
Caawimo sugaay.
 
Cidhibtaada eeg.

Leave a Reply