Qiso: Dabeecadda Qofku Waa Xaaladaha Ku Xeeran

0
263

Laba Ey ayaa qol isku mid ah laba wakhti oo kala gedisan lagu xeereeyay. Eyagii hore markii laga soo daayay waxa uu ka soo baxay isagoo faraxsan oo dabada lulaya. Haddana waxa lagu xeereeyay kii labaad. Markii isagana laga soo daayay waxa uu ka soo baxay isaga oo cadhaysan oo argagaxsan. Markaasi ayay gabadh meesha joogtay go’aansatay inay ogaato sababta uu midkoodna isagoo faraxsan usoo baxayo midna isagoo aragagaxsan. Waxay gashay qolkii waxayna aragtay  inuu qolku muraayado yahay, haddii aad dhinaca bari eegto waxaa kuu muuqanaya kumanaan Ey oo faraxsan oo ku soo eegaya. Marka dhinaca galbeed la eegno waxa kuu muuqanaya kumnaan Ey oo argagaxsan. Labada Ey midba dhinac ayuu eegay. Waa sidaasi nolosha qofku waxa saamayn ku leh farxadiisa iyo cadhadiisaba xaaladaha ku xeeran ee u muuqda.

Leave a Reply