Waxa Aasay Dumar Kaliya

0
343

Wargeyska Al-kutlat ayaa daabacay Sabtidii 12 February sanadkii 1949 in booliisku cadeeyay in uu dhintay Xasan Axmed C/raxman Muxamed ( Xasan Al-Bana) ka dib markii lagu toogtay xarunta dhalinyarada muslimiinta horteeda. Waxay sheegeen inay ku dhaceen 7 xabo oo rasaas ah. Booliiska ayaa maydka geeyay dhakhtarka. Xasan Al-Bana aabihii ayay booliisku ku wargeliyeen geerida wiilkiisa iyo in haddii uu doonayo in uu aaso aan loo baahnayn in jinaasadiisa ay ka soo qayb galaan wax dad ahi. Maydka Marxuum Banah ayaa la keenay guriga aabihii. Waxaana maydhay oo diyaariyay aabihii. Markii uu dhameeyay ayuu u baahday cid naxashka kula rida. Booliiska ayuu u yeedhay oo gebi ahaan guriga , hareerihiisa iyo wadooyinkaba xidhay. Waxay u sheegeen in aanay la qabanayn , isaguna wuxuu u sheegay in aanay guriga cid kale oo rag ah joogin. Laakiin waxay ugu jawaabeen dumarkuba ha qaadaan. Aaska waxa ka qayb galay aabihii, kiristaan iyo koox dumar ah oo siday naxashka. Xasan Al_Banah wuxu asaasay Ururka Ikhwaanal Muslimiin sanadkii 1929. Waxaana uu ka badbaaday shan goor oo hore  shirqoolo dil ah oo lagu fulinayay.

Leave a Reply