Xikmad: Bakhaylka Waxaa Ka Xun Deeqsiga!

0
852

Xikmada; Nin xakiim ah ayaa la weydiiyay ma jiraa qof ka xun bakhaylka ?
Wuxu ku jawaabay haa. Waxa ka xun deeqsiga wixii uu bixiyay ka sheekeeya.
Islaan daโ€™ ah ayaa la weydiiyay , sidee ayaad ugu noolaydeen nolol bilaa technologi ah oon Telefon, Internet iyoย  Electronicย  midna lahayn ? Waxayna kuย  jawaabtay:
Sida aad maanta ugu nooshihiin bilaa kalgacal, bilaa run, balan fur, been iyoย  bilaa Insaaniyad.
Xikmad:ย  Boqor kasta oo weyni wuxu ahaa ilma yar oo ooyaya, dhisme kasta oo adagani wuxuu ahaa meel banaan. Muhimadu maaha waxa aad maanta tahay waa wax aad noqon doonto berri.
Xikmad; Awood uma lihid inaad bedesho muuqaalkaaga si aad u noqoto kan dadka ugu quruxda badan laakiin waxaad awood u leedahay inaad bedesho dhaqankaaga si aad u noqoto kan dadka ugu akhlaaqda wanaagsan.
Xikmad:ย  Shimbiruhu waxay cunaan qudhaanjada, laakiin markay dhintaan qudhaanjada ayaa cunta, sidaasi ayay duruufaha aduunyadu isu bedelaan.ย ย  Nin ayaa saaxiibkii ku yidhi isagoo fooqย  hoos jooga, xagee ayaynu ku maqnayn markii la qaybsanayay xoolaha fooqyadan lagu dhistay?ย  Saaxiibkii ayaa gacanta qabtay oo geeyay Isbitaalkaย  u dhowaa waxaana uu ku yidhi : โ€œ Xagee ayaynu ku maqnayn markii waxan oo xanuun ah la qaybinayay?ย  Haddaba mar kasta Allah (sw) u mahadnaq.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here