Xog laga Xaday Daacish

0
295

Waxa soo baxaya tuhunka ah in xogtii laga xaday kooxda ISIS ay caawin  karto in la ogaado maleeshiyaadka ajaaniibta ah ee kooxdaasi, iyo in sidoo kale laga hortago kooxda isku magacowday Khilaafada Islaamka.
Khuburro ku xeel dheer la dagaallanka argagixisada, oo ku sugan dalalka Mareykanka, Jarmalka, Ingiriiska iyo waddamo kale, ayaa qaadaa dhigaya kumaan kun  feylal ah oo uu Tv-ga Sky News ee Ingiriiska uu ka helay qof la sheegay in uu hore uga tirsanaan jirey kooxda ISIS.
Qofkaasi ka soo goostay kooxda ISIS, ayaa sheegay in uu ka soo xaday keyd ay xog badani ku jirto garabka ammaanka gudaha u qaabilsanaa kooxda ISIS.
Xogta ayaa la rumeysan yahay inay ku jiraan warbixinno ku saabsan 22 kun oo qof, kuwaas oo isugu jira maleeshiyaad dagaallama, kuwa hadda la qorayo iyo taageerayaal kaleba.
Waraaqaha, ayaa warar laga helayo Inigriiska iyo Jarmalka waxay sheegayaan inay ku jiraan warbixinno ku saabsan jihaadiistayaalka ka kala socda 51 dal.
 

Leave a Reply