Magta Laba Sarkaal Oo Ka Tirsanaan Jiray Ciidanka Qaranka Oo Lagu Kala Guddoomay Qori-lugud

0
258

Qori-lugud(Dawan)- Waxa shalay lagu qabtay degmadda Qori-lugud Xaflad lagu kala gudoomayey saddex boqol oo halaad  oo ah magtii laba sarkaal oo ciidanka qaranka ka tirsanaa oo la kala odhan jiray Marxuum-kabtan Maxamed Yuusuf (Mays) iyo Marxuum-Xidigle Jaamac Bidaar,oo askari ka tirsanaa ciidankoodii uu ku  dilay bishii September 2014-kii magaaladda Qori-lugud ee gobolka Saraar,  ka dibna uu baxsaday.
Xafladii lagula kala wareegayay magtan waxa ka soo qeyb-galay Badhasaabka gobolka Saraar, Cuqaal iyo waxgarad ka tirsan beelaha deegaamada Gabiley iyo Boorame iyo saraakiisha Ciidamada qaranka Somaliland ayaa ugu horeyn Jiif Caaqil Baashe Jaamac Faarax (Gura-yare) oo ka hadlay ayaa yidhi “Maanta waxaan bixinaynaa  diyadii labada nin oo midkiiba yahay 150 halaad sida heshiisku ahaa, saddexdii boqol ee neef way taagan yihiin, waanay iga dhan yihiin, waanan uga mahadqanayaa odeyaasha sida ay nooga gudoomeen.”
Cuqaasha iyo salaadiinta ka socday deegaamada Gebilay iyo Boorama ayaa caddeeyey inay kula noqon doonaan  degaamadoodii nabad, una sheegi doonaan in mushkiladii la soo afjaray.“Qofka markuu dhinto ehelkiisa waxa u banaan qisaas ama diyada, waanu aqbalnay diyadii, si wanaagsan ayaan u kala ambo-baxnay, “ ayuu yidhi odey u hadlayey madax-dhaqameedkii magtan gudoomay,waxaanu intaas ku daray  “Dunidda wax walba way ka dhacaan, dadku way is-dilaan qiimahu waxa weeye in sharaf lagu kala ambabaxo, sharaf ayaan ku dhammaysanay, waxaan u sheegayaa dadka inaan gobanimo ku dhammaysanay.”
Badhasaabka gobolka Saraar Cali Maxamed Faarax oo gebagebadii ka hadlay ayaa ku amaanay labada dhinac sidii ay hawshooda u dhammaysteen, waxaanu yidhi “Ilaahay baa mahad leh, waxaanan amaanayaa dhinacyadii hawshooda dhammaystay, waxgaradkii ka yimi Gebilay iyo Awdal ee diyada qaatay iyo odeyaashii magta bixiyey ee gogosha fidiyey.”
 
 
 
“Qorshaha Kursi Goob-joognimo Oo Itoobiya Ku Yeelato Golaha Amaanka Wuu Socdaa” Tewolde Mulugeta
Addis Ababa- Qorshe Itoobiya ku doonayso inay kursi goob-joognimo ku yeelato golaha amaanka ayaa la sheegay inuu soo xoogaysanayo,  sida laga soo xigtay Wasaarada Arrimaha Dibedda Itoobiya.
Olalaha xukuumada Itoobiya ugu jirto hirgelinta qorshahooda oo horsed ka yahay wasiirka Arrimaha Dibedda Mr. Tedros Adhanom ayaa la sheegayaa inay taageerayaan wadammada qaarada Afrika iyo dalka Brazil.
Afhayeenka wasaarada arrimaha dibedda Itoobiya Tewolde Mulugeta, oo ka hadlayey ayaa sheegay “Itoobiya waxa ka go’an ilaalinta xasiloonida iyo amaanka gobolka, qaarada iyo caalamka, qorshaha kursi goob-joognimo oo Itoobiya ku yeelato Golaha Amaanka wuu socdaa.”
By: Maxamuud Walaaleeye
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply