“Xukuumadda Siilaanyo Mashaariicda Ay Ka Fulisay Xudun Waxay Shacbiga u Muujisay Inay Dalka Xaq Ku Leeyihiin”

0
283

Xudun (Dawan)-Guddoomiyaha Degmadda Xuddun ee gobolka Sool,  Faarax Cali Nuur (Hagar), ayaa sheegay in  Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisu ay degmadaasi ka fulisay mashaariic kala duwan oo horumarineed, kaasi oo sababay inay bulshaddu dareemaan inay Somaliland wax ku leeyihiin.
Guddoomiyaha oo xalay u warramayay wargeyska DAWAN, isagoo ku sugan degmadda Xudun, waxa kale oo uu sheegay in dadweynuhu aad u xiisaynayaan diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha  oo  dhawaan laga fulin doono gobolka.
Guddoomiyaha degmadda Xuddun waxa uu sheegay in xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay mashaariic adeegyadda bulshadda ku wajahan ka fulisay degmadda, waxaanu yidhi “Waxa tan iyo intii xukuumadda Somaliland la wareegtay gacan ku haynta degmada xudun ay ka muujisay wax-qabad balaadhan oo soo jiitay indhaha shacabka degmada xudun, waxa lagu sameeyey dib u habayn lagu sameeyey Cisbitaalka degmada Xudun oo lagu kordhiyey qeybta TB-da iyo shaqaalihii ku shaqayn lahaa iyadoo xanuunkaa TB-da loo geli jiray masaafo dheer maantana ay bulshadu gurigoodii ku helayaan dawadii iyo baadhistii. Waxaa degmada loo keenay gaadhi ambalaas ah oo fududeeyay in si deg-deg ah oo dawadiisii u saaran tahay lagu gaadhsiiyo meesha hadba loo doorbido.”
Faarax Cali Nuur, waxa uu intaas ku daray in laga wado mashaariic biyo macaan lagu soo saarayo, isla markaana laga shaqeysiiyay maamulkii dawladda ee heer degmo, waxaanu yidhi  “Waxaa dayactir lagu sameeyey dhammaan goobihii maamul ee degmadu lahayd. waxa degmada hadda gacanta lagu hayaa Dhismaha garoonka Kubadda Cagta ,iyo Dacyactir lagu samaynayo Guriga Maamulka Degmada, waxaa kale oo laba qol lagu kordhiyay Saldhiga Ciidanka Booliska, sidoo kale waxa la bilaabay ceelkii biyaha macaanaa isagoo riigii noqday mid qodi kara ceelka isla markaana la soo bedelayo dhawaana la filayo in uu yimaado. waxaa dhammaan ka hawlgala degmada shaqaalihii heer degmo oo ay wasaarad waliba haysato shaqaale ku filan oo shaqeeya, marka laga reebo wasaarada warfaafinta iyo ilo kale oo aan filayno in ay dhawaan soo buuxiyaan iyaguna.”
” Xukuumada Somaliland ee uu Hogaaminayo MadaxweynAxmed  Siilaanyo waxay xiligan la timid dedaal ay ku kasbatay shacabka ku dhaqan degmada Xudun, iyadoo u muujisay in ay yihiin Shacab u dhashay Somaliland xaqna ay u leeyihiin Horumar iyo wax-qabad  kasta oo ay degmooyinka iyo gobollada kale heleen,”ayuu yidhi Guddoomiyaha degmadda Xudun.
Guddoomiye degmadda Xudun oo aanu weydiinay sida dadka deegaankiisu ugu diyaar garoobeen diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha,waxa uu yidhi  “Soomaalidu waxay tidhaahdaa af wax cuney xishood taas oo aan uga jeedo wax-qabadka xukuumada ee degmada xudun waxa uu noqday mid sababa in ay bulshaduna  is waydiiyaan laba arrimood kuwaas oo kala ah diiwaan-gelintii goorma ayay inoo imaanaysaa iyo goobaha  doorashooyinka degmadda oo ahaa 40 goobood,  hase ahaatee xiligii siyaasadeeda lagu muransansanaa ay 10 goobood oo xudun leedahay la raaciyey deegaamo kale,hase ahaatee maanta ay reer xudun fahmeen ka qeyb qaadashada horumarka iyo qaranimadda Somaliland.”
By: Faysal Axmed Kaarshe
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply