Hillary Clinton iyo Trump oo Guulo Waaweyn Gaadhay

0
273

Musharaxa madaxweynaha xisbiga Jamhuuriga Mareykanka Donald Trump, ayaa ku guuleystay doorshooyinkii ka dhacay saddex gobol, oo uu ku jiro gobolka muhiimka ah ee Florida, isaga oo ku qasbay Senator Marco Rubio inuu tartanka ka hadho.
Gobolka kaliya ee Trump looga adkaaday waa gobolka Ohio, oo uu ku guuleystay badhasaabka gobolka John Kasich.
Ganacsade Trump ayaa gobolka Florida uga guuleystay Rubio 19 dhibcood, hase yeeshee guulihii uu ka gaadhay gobollada North Carolina iyo Illinois oo dirqi ahaa, ayaa ka dhigaya in senator Ted Cruz uu qeyb ka heli doono wufuudda.
Dhinaca xisbiga Dimoqraadigana, Hillary Clinton ayaa ku adkaatay afar gobol oo kala ah Florida, Ohio, Illinois, iyo North Carolina, waxayna ku dhowdahay inay ku soo baxdo magacaabista xisbiga Dimoqraadiga.
Senator Bernie Sanders oo la loolamaya Clinton ayaan wax gobol ah  ku guuleysan.
Gobolka Missouri, ayaan weli la ogeyn cidda ku adkaatay, maadaama labadii tartan ee dimoqraadiga iyo jamhuurigaba si aad ah la isugu dhow yahay, waxaase wax ka yar hal dhibic ku kala horeeya Clinton iyo Trump.
 
Waxaa goobta joogay ciidamo aad u badan xilligii dadkaasi kale ay baxsanayeen.
Laakiin ma cadda in weli dad kaloo laga shakisan yahay la baadigoobaya.

Leave a Reply