Suuriya : Dowlada oo Diiday Wadahadal Nabadeed oo Toos ah

0
292

Wakiilada dawladda Suuriya ayaa meesha ka saarey in ay la  bilaabaan wadahadal toos ah  mucaaridka iyada oo wadahadallada nabada  ee QM taageeraysaa galeen maalintii saddexaad ee ka socda  magaalada Jineefa.
Hoggaamiyeyasha mucaaridka ayaa salaasadii sheegay ina y diyaar u yihiin  kulan fool ka fool ah.
Haseyeeshee madaxa wadahadallada u qaabilsan  dowladda  Bashar al-Jaafari  ayaa diiday fikradaasi, isaga oo dhiggiisa mucaaridka ku tilmaamay argagixiso.
Dhinaca kale, xisbiga muhiimka ah ee  kurdishka Siiriya oo aan iyaga lagu macsuumin Jineefa ayaa qorsheynaya in uu kaga dhawaaqo hab maamul oo fadaraal ah waqooyiga dalka.
Saraakiisha xisbiga  Democratic Union Party (PYD), oo maleeshiyadiisu gacanta ku hasyo dhul fidsan ilaa  400km (250-mile  oo teedsan xuduuda Turkiga ayaa sheegay in nidaamkaasi ay ku wada jiri doonaan dhammaan kooxaha kala isirka ah ee halkaasi ku nool.
 
 
 
 

Leave a Reply