Muddo Fog Ayaa La Ogaaday Faa’iidad Dhirta Dawada Ah

0
877

Toonta oo aad loo isticmaalo caalamka gebi ahaantii, ayaa culimada caafimaadku sheegeen inay leedahay  waxtar caafimaad oo balaadhan kuwaasi oo ay ka mid yihiin :
Kansarka oo ay la dagaalanto, Iyadoo weliba dawo u noqota qofkii caba. Xanuunada Calool xanuunkana waxa la cadeeyay inay dawo fiican u tahay.Wadana xanuunka ayay isagana si fiican waxtar ugu leedahay.
Dhiig karka ayay isagana u  fiican tahay iyado la sheegay inay dejiso. Toontu Waxay aad ugu  wanaagsantahay caafimaadka Maskaxda iyadoo xusuusteeda iyadoo fahankana kordhisa oo saacidda.
Waxatarkeeda waxa kaloo ku jira iyadoo Ciridka iyo ilkaha aad u xoojisaa.Toontu sida la cadeeyay  waxay Jidhka ka ilaalisaa sunta iyo jeermiska, qufuca joojintiisana aad  ayay ugu wanaagasan tahay. Waxaase looga digay dadka qaba xanuunka gaastariga noocyo ka mid ah.
 
 

Leave a Reply