“Haddii Aanu Somaliland Nahay Wixii Dalkayaga Difaaciisa Khayr Ugu Jiro Diyaar Ayaanu u Nahay, Waana Aanu Difaacaynaa”

0
292

Hargeysa(Dawan)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa sheegay markii u horeysay ka hadlay hawl-gal ay ciidammada badda ee  Jabuuti ay ku  dileen askari ka tirsan ciidammadda xeebaha mid kalena ku dhaawaceen dhawaan.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo shalay galab dalka dib ugu soo laabtay ka dib socdaal shaqo oo qaatay muddo afar maalmood ah oo uu  ku tagay dalka Kuwait, waxa si heersare ah loogu soo dhaweeyay  madaarka Cigaal International ee magaaladda Hargeysa, iyadoo ay qaabileen Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirro, Guddoomiyaha KULMIYE, Xildhibaanno iyo dadweyne tiro badan oo tubnaa jidka isku xidha madaarka illaa Madaxtooyadda.
 
Madaxweynaha Somaliland waxa uu warbaahinta kula hadlay xarunta madaxtooyadda, waxaanu ka warramay booqashadiisii Kuwayt iyo kullamadii uu la yeeshay madaxda dawladda Kuwait oo uu ugu horeeyo boqorka dalkaasi.
 
 
“Waxaan safar afar maalmood ah   aan ku tagay dalka Kuwait , muddada aan halkaas  joogay waxaan  kulamo la qaatay madaxda dalka Kuwait oo ugu horreeyo  amiirka dalka Kuwait, Amiir Sheikh Sabah Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah.  waxaan amiirka kala hadlay sii xoojinta xidhiidhka labada dal, waxaan  si gaara uga mahad-celiyay Amiirka mashaariicda horumarineed ee dhaxal-galka ah ee boqortooyada Kuwait  ka fulisay dalka,  kuwaas oo shacbiga iyo dawladda Somalilandba dareensan-yihiin.
Waxaan u gudbiyay Amiirka mashaariic horumarineed oo muhiim ah, oo Somaliland waxa lagula qabanayo oo uu kaga  soo jawaabi doono si dhakhso leh,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland, waxaanu intaas ku daray  “Sidoo kale, waxaan la kulmay madaxda hay’adaha Khayriyga ee ka hawl gala dalka Kuwait oo ugu horeeyo Guddomiyaha Guddiga maamulka hay’adaha  khayriga, ahna La-taliyaha  amiirka dalka Kuwait , Dr Cabdalla Mactuug Almactuug.Waxaanan kala hadlay Abaaraha ka jira Somaliland iyo sida ay gurmad deg deg ah uga  gaysan lahayd Boqortooyada Kuwait, isla markaana ay u sii balaadhin lahayd  taakulaynta ay siiso dadka dhibaatooyinku la soo darseen.”
“Waxaan gabo-gabadii  kulan xog waraysi  la yeeshay  jaaliyada Somaliland ee dalka Kuwait, oo aan ugu waramay ujeeddada safarkayga iyo xaalada guud ee uu wadanku maraayo.”
 
Madaxweynaha Somaliland oo la weydiiyay mowqifkiisa la xidhiidha tallaabadii ay ciidamadda xeebaha Jabuuti ku dileen askari ka tirsan ciidammada xeebaha Somaliland, midna kalena ku dhaawaceen jasiiradda Ceebaad ee Somaliland, waxaanu ku jawaabay  “Ciidamada Jabuuti iyo Somaliland-ba wixii dhex maray  annagu haddii aanu  Somaliland  nahay wixii dalkayaga difaaciisa khayr ugu jiro, dani  ugu jirto diyaar ayaanu u nahay, waana aanu difaacaynaa, waanan ka war qabaynaa, waanan la soconaynaa inshaalaahu Tacaalaa.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply