Qaadhaan Lacageed Gobolka Togdheer Iyo Dugsiga Nuuradiin u Gudbiyeen Guddiyada Gurmadka Abaaraha

0
305

Hargeysa(Dawan):-Qaadhaan lacageed loogu tallo-galay taakulaynta dadka ay saameeyeen abaaraha ka jira dalka, isla markaana bixiyeen bulshadda Gobolka Togdheer iyo Dugsiga Nuuradiin ayaa shalay lagu kala wareejiyey Guddiyada heer Qaran iyo gobol ee gurmadka abaaraha.
Maamulaha dugsiyada Nuuradin Mahad Maxamed Ibraahim, ayaa  qaadhaan lacageed  oo gaadhaya “Laba iyo Toban Milyan, Saggaal boqol iyo toddoba iyo soddon kun” oo shilinka Somaliland ah, ku wareejiyey Guddiga heer qaran ee qaadhaan-ururinta Abaaraha, isla markaana sheegay inay bixin doonaan maalmaha soo socda qaadhaan kale.
 
Maamulaha dugsiyada Nuuradiin Mahad Ibraahim, oo shalay ku soo dhaweeyey xubno ka tirsan Guddiga heer qaran ee Qaadhaan-ururinta Abaaraha oo uu hogaaminayey Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed qeybta hablaha ee dugsiga ayaa sheegay in lacagta ay bixinayaan tahay horumarin, laakiin, qaadhaan kale maalmaha soo socda bixin doonaan
 
Sidoo kale xubnaha Guddiga heer qaran ee Qaadhaan-ururinta Abaaraha oo  ka hadlay ayaa amaanay tallaabada maamulka iyo ardayda dugsiyada Nuuradiin ku caawiyeen taakulaynta abaaraha, waxaanu Wasiirka Diinta iyo Awqaaftu xusay muhiimada in casharrada dugsiga lagu barto ka mid noqoto sidii  ardayga loogu sii baraarujin lahaa kaalinta uu bulshadiisa ku leeyahay iyo in uu qeyb ka yahay dadkiisa oo la rabo in uu la dareen iyo damqasho noqdo ummadiisa.
Dhinaca kale,  qaadhaan lacageed oo bulshada gobolka Togdheer ugu  tallo-galeen dadka abaarahu saameeyeen ee gobolka Gebiley ayaa shalay la gaadhsiiyey guddiga heer gobol ee Qaadhaan-ururinta Abaaraha.
 
Deeqdan Qaadhaanka lacageed ay soo direen ganacsatada iyo dadweynaha gobolka Togdheer, gaar ahaan magaalada Burco, loona soo wakiishay Badhasaabka gobolka Gebilay Mr. Xamse Maxamed Cabdi oo gaadhayey shan kun oo dollar, ayaa shalay lagu wareejiyey guddiga heer Gobol  Qaadhaan-ururinta Abaaraha.
 
Munaasibada wareejinta deeqdan taakulaynta abaaraha oo goob-joog ka ahaayeen madaxda heer gobol, degmo iyo xubhana guddiga Qaadhaan-ururinta Gebilay ayaa Badhasaaabka Gebilay Mr. Xamse Cabdi oo ka hadlay ayaa  yidhi “Aad baan ugu mahad-celinayaa deeqdan dadweynaha Burco soo direen, ma aha markii koowaad, horena deeq ayey u soo direen, immikana waxay ballan-qaadeen inay kuwo kale bixiyaan haddii xaalada abaarahu daba dheeraato, ilaahay raxmaad kheyr qaba dhammaan dalka degdeg ha u siiyee.”
 
Kulanka oo masuuliyiin kala duwan ka hadleen ayey dhammaantood si weyn uga mahad-celiyeen deeqdan shacabka gobolka Togdheer, gaar ahaan Burco ku soo caawiyeen walaalahooda abaarahu saameeyeen ee gobolada galbeedka, iyagoo min shan kun oo doolar ugu deeqay gobollada Gabiley, Hawd iyo Awdal.
 
Tallaabadan ardayda dugsiga hablaha Nuuradiin iyo shacabka magaalada Burco ugu bixiyeen qaadhaanka taakulaynta abaaraha ayaa ah mid ku dayasho mudan, loogana baahan yahay qof kastoo reer Somaliland inuu kaalintiisa ka qaato.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply