Dilmada Iyo Hanjabaadu Caruurta Waxay Ku Keentaa Nacasnimo?

0
376

Saxaabiga Anas Binu Malik oo Nebiga (scw) adeega u ahaa wuxu  yidhi: “ Weligii Nebigu (scw) cid ma garaacin.  Rasuulka Allah (scw) wuxu ahaa mid caruurta maaweeliya, la sheekaysta, tixgelina siiya.
Kitaabkiisa lagu magacaabo  Tarbiyadda Carruurta ee uu Alifay Sh.Cabdalla Al-Calwaan Boggiisa 761,  waxa uu ku qoran: “ ilmaha oo lagu isticmaalo xoog iyo dagaal bilaa xad ah, waxay ka dhigtaa mid fulay oo calool nugul oo aan waajihi Karin culayska nolosha iyo masuuliyaadka dusha ka saaran. Caalimka weyn ee arrimaha bulshada Ibnu Khalduun wuxu isna yidhi :” Hadii ilmaha dadka tarbiyadaynayaa ay ku badiyaan dilmada, dagaalka iyo hatigaada waxay ku keentaa habayacnimo, nacasnimo iyo karti la’aan, Waxay oo ay ka dhigtaa mid beenaale ah oo aan dhaqan wanaagsanayn cabsi uu ka qabo awgeed in la garaaco.
Dilmadaasi joogtada ah ee lagu hayo ubadka ayaa baraysa khiyaamada  iyo sida wax loo dago loona siyaasadeeyo. Sidaas awgeedna waxay taasi noqonaysaa caadadiisa burburinaya dhaqankiisa iyo macanaha insaaniyadiisa. Rasuulkuna (scw) wuxu xadiis ku yidhi “karaameeya carruurtiina oo wanaajiya edaabtooda”      Waxa weriyay Ibnu Maaje.

Leave a Reply