Kalluunka Oo Hormood Ka Ah Cuntooyinka Kobciya Aragga Iyo Caafimaadka Indhaha

0
461

Saliidda kalluunka, gaar ahaan noocyada loo kala yaqaan Salmon, Sardines, Herring iyo Mackerel amma Halibut waxa ku badan maadada la yidhaa Omega-3 Fatty Acid oo u fiican caafimaadka indhaha. Qofka si joogto ah u cuna kalluunka wuxuu iska difaacaa 38% xannuunada aragga dila, sababtoo ah waxa kaloo kalluunka ku jira faytamiin D, vitamin D kaasoo ka caawiya in indhuhu noqdaan qaar caafimaad qaba.
Sidoo kale, maadada Omega-3 Fatty Acids waxay jidhka kale ka caawisa in ay caabuqa iyo subagga hoos uga dhigto amma qofka ka ilaaliso cudurrada asaasaqa keena sida Alzheimer.
Waxaa fiican in todobaadkiiba laba jeer la siiyo caruurta 25 ilaa 35 gram oo kalluun ah maxaa yeelay waxa uu qani ku yahay ama uu   caawiya korniinnka maskaxda iyo indha ilmaha.

Leave a Reply