Wax Ka Barro Noocyada Kalluunka Iyo Barta Uu Kaga Noolyahay Badda

0
576

 
Kalluunka hoygiisu waa biyaha sida wabiyada,harooyinka iyo badaha, biyahaas oo ku kala duwan heerkulka xadiga cusbada ku jirta iyo cadaadiska, kaluunku waa noole ama xayawaan layaab ku leh xaga la qabsiga deegaanka sida marka uu galo maayad kulul inuu is qaboojiyo marka uu qabaw galana inuu is kululeeyo.
Nooca biyaha qaybta sare kaga nool(palegic) noocan waxa uu cunaa noolaha kale ee bada ku jira oo la raadsanaaya deegaan haboon iyo cunto, tusaale ahaan noocan kaluuunka ah waxa ka mida ah taraaqada, sucbaanka, shiiraanka, daba guncunka, faraska, daambeeriga, qariibka, iyo libaax badeedka qayb ka mid ah
Kalluun qareed(demsersal fish) noocan waxa uu ku noolyahay shacaabiga oo ah gunta hoose ee bada noocan waa uu daaqaa waxa aanu cunaa caws badeedka iyo ubax badeedka (phytoplankton) tusaale ahaan kaluunka noocan ah waxa ka mid ah qariibka,gaxashka, sumaanka iyo afdhuubka.
Noocan qolof layda ah: noocan waxa ay ku noolyihiin gododka shacaabiga bada(colar reres) iyo sida oo kale bada gunteeda hoose waxana ka mid ah qolof layda iyo aargoosatada, carsaanyada iyo shirinbiska.
Kalluunka biyaha macaan iyo kuwa dhanaan
Kalluunka badda iyo kaluunka wabiga waxa ay ku kala duwan yihiin (midabka qaabka urta) dhadhan ahaan kaluunka bada waa uu ka dhanaanyahay ka kaluunka wabiga. Kaluunka badu waa ka madax weyn yahay kana madow yahay.
Noocyada kaluunka ee wabiga ku jira kunbilaha iyo kaatfishka ayaa ugu caansan lutfiyaha iyo ballanku waa kuwo yar-yar oo lagu dabo noocyada kale ee kaluunka. wabiga laga helo waxa ka mid ah talaabiyaha. kalluunka baddu waa ka waa weyn yahay ka wabiga waayo waxa ay leedahay waxa yaabo badan oo kaalmaynaya koritaankiisa sida in ay badu ay leedahay aljiga. Uu kaluunku cuno, kaluunka badu waxa uu leeyahay meela dugsoon oo uu ku dhallo, ugxaantiisana gabood ku badbaadsiiyo Cuntooyinka uu kaluunku ka helo wuu ka yar yahay kan uu badaha ka helo.

Leave a Reply