Madaxweyne Siilaanyo Oo Kumanaan Dadweyne Ah Hargeysa Kula Tukaday Salaad Roob-doon Ah Oo Somaliland Oo Dhan Laga Oogay

0
409

Hargaysa (Dawan): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud  (Siilaanyo),  ayaa  shalay kumanaan ka mid ah  shacbi weynaha  ku dhaqan caasimadda Hargeysa  kula tukaday Salaad  Roob-doon ah garoonka kubbadda cagta ee Hargaysa Stadium.

Salaada Roob-doonta ah oo shalay  dalka oo dhan si weyn looga oogay  ayaa madaxweyne Siilaanyo  waxa uu kumanaan dadweyne ah kula tukaday garoonka kubbadda cagta ee Hargaysa Stadium, waxaa ka qeyb galay Wasiirro ka tirsan xukuumadda, culimawdiin iyo dadweyne kale oo aad u badan. Wasaaradda diinta iyo awqaafta Somaliland  ayaa  habeen hore ku war gelisay dhammaanba dadweynaha reer Somaliland in laga wada qayb qaato tukashadda salaadda roob-doonta ah si ILLAAHAY looga baryo in uu ka dul qaado abaarta  baahsan ee dalka ka jirta, taasi oo saamaysay dad iyo duunyaba. Waxaana shalay  gelinkii hore  muddo saacado ah  aan shaqaynin dhammaanba xafiisyadda dawladda,   xarumaha ganacsiga ee gaarka loo leeyahay   iyo  goobaha waxbarashadda taasi oo ka danbaysay amar ka soo baxay wasaaradda diinta iyo awqaafta si ay dadweynuhu uga qayb qaataan tukshadda salaadii Roob-doonta ahayd.   

 Madaxweynaha  oo tukashadii  salaada  Roob-doonta ahayd kadib  khudbad  kooban u jeediyay dadweynihii halkaasi ku tukaday  ayaa  ku duceeyey in ILLAAHAY  ka aqbalo baryada  ummadda,  isla markaana uu raxmaadkiisa   si deg-deg ah ugu shubbo.

 

Waxaanu yidhi “Waxaan halkan isugu soo baxnay in aan ILLAAHAY ka barinno,  in uu Madar (roob) khayr qaba ina siiyo, in uu abaarta innaga kor qaado. ILLAAHAY waxaynu ka barayaynaa in uu quluubteenna isku soo celiyo, in uu khayrka ina waafajiyo.”

Sidoo kale, waxaa halkaasi madaxweynaha  Ka hor   khudbad ku saabsan Roob-doonta   ka jeediyey wasiirka diinta iyo awqaafta  Sheekh Khaliil C/laahi Axmed oo isagu  dadka tukiyey, waxaanu ku baaqay in la is-wada  cafiyo ILLAAHAY-na loo toobad celiyo.“In kulaylkan iyo abaaruhu ay yihiin dunuub dadka ka timid,  oo ay ka toobad keenaan  waayi, dhibaatada ka timid dunuubtaasina ay saamaysay Bahayinka (xoolaha) iyo makhluuqa kale ee xayawaanku ka mid ka yihiin oo  ay gaadhay”ayuu yidhi Wasiirku.

Sidoo kale wasiir Khaliil  waxa uu ku adkeeyey bulshadda in la  is-caawiyo oo la isu gar-gaaro la isna taakuleeyo cidiba ciddii ay ka hayn roontayna ay wax ku taakulayso dadka tabaalaysan. Dhinaca kale madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi  Ismaaciil (saylici), ayaa  isna shalay boqolaal dadweyne ah waxa uu salaadda  Roob-doonta  ah  kula tukaday masjidka weyn ee Cali Mataan ee ku yaalla badhtamaha  caasimadda Hargaysa. Sidoo kale dhamaanba goboladda iyo degmooyinka dalkan Somaliland ayaa shalay laga tukaday salaadda Roob-doonta ah, iyadoo ay  tukashadda salaadahani  yihiin mid ay adoomuhu Eebe kaga baryayaan in uu ka soo jabiyo abaaraha baahsan ee dalka ka jira, iyadoo maalmihii la soo dhaafay haraad iyo macaluul ay dad ugu dhinteen gobolka Awdal.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply