Xukuumadda Somaliland Oo Shaacisay Inay Samaynayso Dhaammam Iyo Biyo-xidheenno

0
304

Hargaysa (Dawan): Xukuumadda Jamhuuriyadda  Somaliland, ayaa shaaca ka qaaday inay ku hawlan tahay qorshe wax lagaga qabanayo biyo-yaraanta, isla markaana lagu xidhayo dhaamam iyo meelaha dooxyadda ah oo biyo-qabatin laga samaynayo.
Wasiirka wasaaradda biyaha ee Somaliland Baashe Cali Jaamac, oo shalay  magaaladda Hargaysa ugu  waramay  BBC ayaa sheegay inay  jiraan mashaariic badan oo biyo-xidheeno lagu samaynayo, isla markaana la doonayo in lagaga baxo biyo-yaraanta ah marar badan sooq no-noqotay ee Somaliland ka dhaca.Wuxuu sheegay in ay jiraan Dhaamam waaweyn oo biyaha lagu kaydiyo oo dalka ka socda, iyadoo la filayo in Dhaamamkaasi  la dhamays tiro sanadkan gudihiisa.
Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi  “Siyaasada aanu ka leenahay biyo-xidheennadda a waxay tahay, biyaha roobka in la qabto. Dhaamkii ugu horeeyay ee noocaasi ah waxaa naga caawisay dawladda Imaaraadka Carabta, Dhaamkaasi waxaanu ka bilawnay meesha la yidhaahdo Laas-deero oo  Xunbo-weyne agtiisa ah.  Waxa  kale oo jira Dhaam kale oo laga samayn doono magaaladda Laascaanood  agteda,    labadaa  Dhaam marka lagu guulaysto waxaanu rejaynaynaa in biyo yaraanta laga baxo. Waxaanu ku dedaa;anaynaa in  Dhaamam kale oo badan dalka  laga  sameeyo, qorshihiisuna waa toban bilood. Waxaanu doonaynaa biyaha roobka in dooxyada aanu u samayno biyo qabatin,   Togag badan oo kale oo dalka ah in la qabto ayaa noo qorshaysan.”
Wasiirku waxa kale oo uu  sheegay in ay dayac-tir balaadhan ku samaynayaan  dhawr ceel-biyood oo goboladda dalka ku kala yaalla si ay   biyo ku filan uga helaan dadka ay baartu ku habsatay.   “Maanta (shalay)  dhibaatada biyo la’aanta ee dalka ka jirta awgeed  lix  ceel-biyood oo galbeedka ku yaala ayaa loo diray  mishiino iyo qalabkii lagu dayac-tirayay. Iyadoo laga duulayo  abaarahadlka ka jirta  lana  eegayo sidii loo heli lahaa meelo ay dadku ka dhaansadaan. Ceelalkaasi oo kala ah  ceelka Dameero-boob oo aanu koox u dirnay, iyadoo qalabkiisu hore u yaalay, waxaa ku xiga Botor, waxaa ku xiga  ku xiga Karuure  iyo Gar-gooray.  Laba  ceel oo bariga ah ayaanu iyagana u diray qalabkii iyo shaqaalihii dayac-tirayay,  Awr-boogays iyo Hadaf-timo.
Waxa kale oo aanu doonaynaa Dhaamamkii hawdka in dib u habayn lagu sameeyo oo la dhooba qaado, kuwaasi oo ilaa sideed ah. Mashaariic badan oo biyo-qabatin ah ayaanu dalka ka wadnaa, dedaal badan ayaanay wasaarada biyuhu ku jirtaa”ayuu yidhi wasiir Baashe.
Baashe Cali jaamac, waxa kale oo uu ka hadlay xuska maalinta biyaha aduunka oo ku beegnayd shalay. Waxaanu yidhi   “Maalinta biyaha aduunka ee 22-ka April waxay ku soo beegantay iyadoo abaaro daran iyo biyo la’aan ay dalka ka jirto, waa maalin  loo asteeyay biyaha aduunka, hal-ku-dhegeeduna waxa weeyi  sanadkan biyaha iyo shaqada xidhiidhka ka dhexeeya. Sidoo akle laba Dhaam oo biyaha loo xidhayo ayaanu wadnaa oo laga maalgelinayo sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply