Muuse Biixi Oo La Shiray Xildhibaannada Golaha Wakiillada Kaga Jira KULMIYE

0
360

Hargeysa (Dawan):-Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbigaasi  Muuse Biixi Cabdi, ayaa shir wadatashi ah la yeeshay xildhibaannada Gobolka Wakiillada ugu jira xisbiga.
Kulan casuumad qado ah oo hoggaanka xisbiga KULMIYE ku sameeyey huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa shalay, kaas oo ay isugu yimaadeen xildhibaannada matalada xisbiga ee Golaha Wakiillada, ayaa ujeeddadiisu la xidhiidhay is-xogwaraysi la xidhiidha xaaladaha kala duwan ee dalka.
Guddoomiye Muuse Biixi iyo masuuliyiin xisbiga ah oo wehelinayey iyo mudanayaasha KULMIYE ee Wakiillada waxay iska warraysteen arrimaha kala duwan oo ku wajahan dhinacyada xaaladaha nololeed iyo siyaasadda dalka.
Qodobada lagaga wadahadalay kulanka waxa ka mid ahaa xaaladda abaarta daran ee ka taagan dalka iyo dadaallada gurmadka dadka la gaadhsiinayo oo la istusay in la sii dardargeliyo, sidoo kalena waxa la iska waraystay diiwaangelinta codbixiyayaasha ka socota gobolkii saddexaad oo ah Saaxil iyo degmooyinka Gabiley iyo Balli-gubadle, iyadoo xildhibaannada lagu dardaaray inay ka qaybqaataan wacyigelinta iyo dhiirrigelinta dadweynaha ee is-diiwaangelinta.
Waxa kaloo madaxda KULMIYE iyo xildhibaannada ugu jira Wakiilladu wax iska waydiiyeen hawlaha doorashooyinka madaxtinimada iyo Baarlamaanka ee soo socda iyo sida loogu baahan yahay in xisbigu si wayn ugu diyaargaroobo.
Ugu dambayntii, hoggaanka KULMIYE iyo mudanayaasha u matala aqalka Wakiillada Somaliland waxay isla qaateen inay isugu yimaadaan kulamo kale oo qayb ka ah wadatashiyada xisbiga.
Geesta kalena,  Hoggaanka xisbiga KULMIYE, ayaa kulan la yeeshay madaxda hay’adda caalamiga ah ee SAFERWORLD oo fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska, kana shaqaysa xoojinta nabadda, ka hortagista khilaafaadka iyo ka shaqaynta arrimaha dimuqraadiyadda.
Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga  Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayeen Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad  Maxamed Kaahin Axmed, Afhayeenka xisbiga  Xasan Maxamed Cali (Xasan Gaadhaafi) iyo masuuliyiin kale, ayaa shalay xarunta xisbiga ku qaabilay wefti ka socda hay’adda SAFERWORLD oo ka koobnaa afar xubnood oo uu hoggaaminayey madaxa xafiiska hay’adda ee Somaliland Mr. Cabdijaliil Daahir, waxaanay ka wadahadleen wada shaqayn cusub oo dhe xmari doonta xisbiga iyo ururkan caalamiga ah.
Kulanka ayaa ka sakow isbarasho dhexmartay hoggaanka xisbiga KULMIYE iyo masuuliyiinta hay’adda, waxa lagu falanqeeyey horumarinta dimuqraadiyadda Somaliland iyo arrimaha labada dhinac ka wada shaqayn karaan, waxaanna saraakiisha SAFERWORLD xuseen inay danaynayaan in xisbiga ay kala shaqeeyaan tababarro la siiyo muraaqibiinta ka hawlgali doona doorashooyinka kala duwan ee qorshaysan inay dalka ka qabsoomaan horraanta sannadka 2017. Waxa kaloo ay sheegeen inay kala shaqaynayaan KULMIYE awoodaynta hay’adaha xisbiga.
Dhankooda, madaxda xisbiga KULMIYE waxay soo dhaweeyeen qorshaha hay’adda SAFERWORLD, waxaanay ku wargaliyeen inay diyaar u yihiin la shaqaynta cid kastoo danaynaysa horumarinta nidaamka dimuqradiyadaynta Somaliland.
Weftiga hay’adda SAFERWORLD waxa kaloo xubno ka ahaa; Oliver Chevraen oo ah maamulaha mashaariicda, Marjorie Walla oo ah khabiir sare oo la-taliye mashaariicda ah iyo Cabdi Cali oo isna ah la-taliyaha mashruuca.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply