Somaliland Oo Ka Qeyb-gashay Shir Lagaga Hadlayo Ammaanka Madaarrada Oo Ingiriisku Marti-geliyay

0
396

London(Dawan)- Shir lagaga hadlayo ammaanka madaaradda adduunka ayaa Salaasadii  ka furmay magaaladda London ee dalka Ingiriiska kaasi oo ay ka qeyb-galeen 21 wadan oo caalamka ku yaalla, oo Somaliland ka mid tahay.
Shirkan waxa ka qeyb galay dalal ka kala socday Yurub, Asia iyo Africa.Sidaasna waxa lagu sheegay qoraal  ka soo baxay wasaaradda duulista iyo hawadda Somaliland, oo lagu sheegay inuu shirkaasi Somaliland uga qeyb galay  Maamulaha madaarka Cigaal International ee Hargeysa Maxamed Yuusuf Ismaaciil.
“Shir lagaga hadlaayo Amaanka Madaraada Adduunka ayaa Salaasadii  ka furmay Magaalada London ee Caasimada dalka Britian, shirkan oo ay ka qeyb-galeen Madax ka socota 21 Wadan oo adduunka ah, ayaa waxaa ka mid ahaa Somaliland oo uu uga qeyb-galay Maamulaha Madaarka Cigaal International Airport Maxamed Yuusuf Ismaaciil, halka ay 20 ka wadan ee kale, ka kala socdeen Africa , Asia, iyo Yurub.”ayaa lagu yidhi qoraalkan.
“Shirkan oo uu furay Wasiirka Gaadiidka Mr. Robert Good Will, ayaa waxa uu socon doona muddo saddex maalmood ah, waxana diirada lagu saari doona Arrimo ay ka mid yihiin Amaanka Madaarrada Adduunka iyo Diyaaradaha, Wasiirka Gaadiidka Britain waxa uu halkaa ka soo jeediyey in kor loo qaado Amaanka Madaarrada isla mar ahaantaasna la muujiyo feejignaan dheeraad ah.”
Warbixinta wasaaradda duulistu waxay intaas ku dartay “Intii uu socday waxaa halkaa lagu soo bandhigay warbixin laga diyaariyey qaraxii Diyaaradda Daallo ee ka dhacay wadanka Soomaaliya gaar ahaan Caasimada Muqdisho, sidoo kale waxaa iyana lagu soo bandhigay warbixin laga diyaariyey weererkii Karachi Pakistan, waxaana la isla qaadaa dhigay sidii looga hor tagi lahaa weeraro noocan oo kale ah oo yimaada.”
“Tallaabadan ayaa guul weyn u noqan karta Somaliland macluumaad badan oo xaga Amaanka ahna ay ka faa’iidaysaa, Maadaama ay xogaha wadaagayaan dhamaan Masuuliyiinta ka kala socota wadamadaas.Dhinaca kale waxaa Maamulaha Madaarka Cigaal ku soo dhaweeyay markii uu gaadhay wadanka Britain Jahliyada Wadankaas ee Reer Somaliland,”ayaa lagu soo gunaanaday bayaanka wasaaradda Duulista.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply