“Abaartu Waxay Saamaynta Ku Yeelatay Maaha Biyaha Oo Kaliya, Waxa Dhammaaday Daaqii”

0
438

Hargeysa (Dawan):- Wasiirka wasaarada xanaanada xoolaha Jamhuuriyadda  Somaliland Mudane Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa ka warbixiyay kulan ballaadhan oo uu la sheegay hay’adda cuntada iyo beeraha  u qaabilsan Qarramada Midoobay iyo hay’ado kale oo xidhiidh la leh wasaarada xanaanada xoolaha.
Wasiir Cabdilaahi Cukuse, waxa kale oo uu sheegay in todobaadka fooda innagu soo haya ay bilaabi doonaan qorshe ay kaga hortagayaan waxyeelada ay abaartu u geysatay xoolaha nool ee dalka.
“Waxaannu la kulanay hay’adaha la shaqeeya wasaaradda xannaanada xoolaha Somaliland, ama gacan ka geysta caafimaadinta xoolaha dalka. waxa kale oo aanu u jeedinay baaq ku aadan in ay u diyaar garoobaan oo gacan ka geystaan abaarta wixii ay ka tari karaa,”ayuu yidhi Wasiirka xanaanadda Xooluhu, waxaanu intaas raaciyay.  “Maalmahan waxa jiray abaarro, waxaad arkayseen raashin uun la sido, laakiin annagu intii aanu qaban karaynay waxay ahayd daawaynta xoolaha waanu socdaa gurmadkoodii, waanay soconaysaa todobaadkan oo dhan iyada oo ka bilaabantay gobollada iyo degmooyinka. Gurmadkii u dambeeyayna toddobaadkan ayuu ka bilaabmayaa gobollada iyo degmooynka dalka.”
“Dalkeenna waxa ay abaartu saamaynta weyn ku yeelatay maaha biyaha oo kaliya, waxa ka khatarsan oo dhammaaday daaqii, halka keliya ee hadda laga helay caws waxa uu noqday gobolka Togdheer oo kaliya meelo ka mid ah, waa tii aad maqlayseen dhawr boqol oo gaadhi oo laga soo raray, meel kale oo loo ciirsado ma jirto oo xoolaha bari iyo galbeed-ba ku gaajoonaya ee ku daaq beelay marka xuduuda la raaco  iyo marka xeebta la raacaba.  markaa hay’addaha waxaanu ugu yeedhnay in ay u diyaar garoobaan sidii ay gacan uga geysan lahaayeen.” Ayuu yidhi Wasiirka wasaarada xanaanada xoolaha Somaliland  Cabdilaahi Cukuse.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply