Warbixin Daaha Ka Qaaday Inaanu Jirin Dhaqaale Hay’aduhu u Qorsheeyeen Taakulaynta Abaaraha Somaliland

0
418

Nairobi(Dawan):- Hay’adda Action Aid, ayaa shaaca ka qaaday inaanu jirin dhaqaale beesha caalamku ugu tallo-gashay taakulaynta dadka abaaraha waxyeeleeyeen ee ku dhaqan Somaliland.
 
Warbixin hay’addaha gargaarku kaga hadleen xaaladaha abaaraha ee ka jira Somaliland ayaa lagu sheegay inay saamayn ku yeesheen gobollada Awdal, Salel, Saaxil, Maroodi-jeex, Gebilay, Hawd iyo Saaxil, isla markaana dad lagu qiyaasay illaa shan boqol oo kun haatan waajahayaan xaalado biyo iyo baad la’aan ah.
Xogaha warbixintan oo hay’addaha kala duwan ee ka shaqeeya Somaliland soo kala diyaariyeen ayaa lagu sheegtay in qiimahii cuntooyinka quutal-daruuriga qiimahoodii sare u kacay laba jibaar, isla markaana  qiyaas gaadhaysa illaa boqolkiiba 40% qoysaska Somaliland soo waajahday xaalad biyo la’aan dadkii iyo duunyadiiba.
 
Guud ahaan boqolkiiba 80% xoolahii ku noolaa Somaliland ayaa lagu sheegay warbixinta inay u le’deen  abaaraha jira awgeed, isla markaana xanuunada ku dhaca xoolaha sida caalku ku soo kordhayo, sidoo kale dhinacyada caafimaadka ayaa lagu sheegay warbixintan in abaarahu ku keeneen dumarka iyo caruurta in xanuuno fuuq-baxa.
Saamaynta xaalada abaaraha Somaliland ayaa la sheegay inay sare u sii qaaday hoos u dhaca roobabkii gu’ga iyo deyrta ee sannadahii hore, taasoo meesha ka saartay in la helo dalagyadii dadka beeralayda iyo xoolo-dhaqatadu, noloshoodiina hoos u dhacdo.
Heerka ka jawaabista caalamka ayaa warbixintan lagu sheegay inuu gaabis yahay, isla markaana, aanu jirin wax dhaqaale ah oo loogu tallo-galay in wax lagaga qabto gobollada abaarahu ka dhaceen ee Somaliland, sida lagu sheegay xogo badhtamahii bishan hay’adda ActionAid laga helay sheegeen.
Dawannews Hargeysa office
 

Leave a Reply