KULMIYE Oo Daaqadda Ka Saaray Shan Siyaasi Oo Lagu Eedeeyay Inay Ka Hor Yimaadeen Siyaasaddii Xisbiga

0
451

Hargeysa(Dawan)-Xisbiga talladda dalka haya ee KULMIYE, ayaa xubinimadii Golaha dhexe ee KULMIYE iyo xubinimadii xisbigaba  ka saaray shan xubnood oo ka mid ahaa Wasiirkii dabo-yaaqadii kal-hore iska casilay xukuumadda Somaliland.
Qoraal uu shalay soo saaray afhayeenka KULMIYE  Xasan Maxamed Cali (Gafaadhi), ayaa lagu sheegay in xubnahani ay dambi ka galeen xeerka xisbiga. Waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sidan:-
“Sida ku cad warqadda sumadeedu tahay XK/XGX/0042185/2016, kuna taariikhaysan 23 March 2016 ee ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, taas oo lagu kala socodsiiyey hay’adaha ay khusayso, kadib markay wadatashi yeesheen Hoggaanka Sare ee Xisbiga iyo Guddida Fulinta, waxa caddaatay in xubnaha wadahadalka tooska ah kula jira xisbiyada Mucaaradka ah ay si badheedh ah uga horyimaadeen Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka Xisbiga KULMIYE. Sidaas daraadeed, iyada oo la raacayo qodobada 11-aad iyo 13-aad ee Dastuurka Xisbiga KULMIYE waxay xubnaha magacyadoodu hoos ku qoran yihiin laga bilaabo maanta oo bishu tahay 23 March 2016 ay gabi ahaanba lumiyeen xubinnimadii xisbiga KULMIYE, taas awgeedna, waxa lagala noqday xubinimadii Golaha Dhexe iyo tii Fulinta.
Waxa kaloo halkan xisbigu ku caddaynaynaa in aan sinnaba loo adeegsan karin astaamaha Xisbiga ee ay ka mid yihiin Calanka, Summadaha iyo Magaca Xisbiga, sidoo kale, wax wadahadal iyo heshiis ah aanay cidna kula gali karin magaca Xisbiga KULMIYE xubnahaasi. Maanta laga bilaabo waxay u madaxbannaan yihiin in ay magacyadooda oo kaliya naftooda ku matalaan.
Xubnahaasi waxa ay kala yihiin:
1.Dr. Cabdi Aw Daahir Cali – Waxa uu waayey Xubinimadii Guddida Fulinta ee Xisbiga, tii Golaha Dhexe iyo Xubinimadii Xisbiga.
2. Cabdirisaaq Khaliif Axmed – Waxa uu waayey Xubinimadii Guddida Fulinta ee Xisbiga, tii Golaha Dhexe iyo Xubinimadii Xisbiga kadib markii uu hore u caddeeyey inuu ka baxay xisbiga.
3.Xusseen Axmed Caydiid – Waxa uu waayey Xubinimadii Guddida Fulinta ee Xisbiga, tii Golaha Dhexe iyo Xubinimadii Xisbiga.
4.Faarax Cilmi Geedoole – Waxa uu waayey Xubinimadii Golaha Dhexe iyo Xubinimadii Xisbiga.
5.Cali Cabdi Saa’iq – Waxa uu waayey Xubinimadii Guddida Fulinta ee Xisbiga, tii Golaha Dhexe iyo Xubinimadii Xisbiga, kadib markii uu hore u caddeeyey inuu ka baxay xisbiga.
Xubnaha kale ee waajibaadkooda Xisbinimo muddada ka maqnaa, waxa aannu ugu yeedhaynaa in uu mar walba Xisbigu gacmo-furan ku qaabilayo walaalahooda bahweynta Xisbiga KULMIYE, kaalintoodiina ay sugayso.Allaa Mahad Leh.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply