Tababar Ku Saabsan Nidaamka Cashuuraha Oo Lagu Soo Gabogabeeyay Hargeysa

0
336

Hargaysa (Dawan):- Wasiirul dawlaha wasaarada maaliyada Somaliland  Maxamed  Faarax Ducaale,  ayaa magaaladda Hargaysa   tababar lagaga  hadlayay nidaamka cashuuraha u soo xidhay saraakiil ka socday  qaybo waxeedyada wasaarada maaliyadda.
Maxamed  Faarax   Ducaale,  oo   hadal  ka jeediyay xidhitaankii tababarkan oo  muddo lix maalmood  ah uga socday qaybo waxeedyada wasaarada maaliyada huteel Ambassador ee magaaladda  Hargeisa, ayaa   kula dar-daarmay  ka qaybgalayaashii tababarka in ay ku shaqeeyaan casharadii ay barteen,isagoo   ku amaanay sida ay uga faa’iiidaysteen mudadii uu tababarku socday.
 
Wasiiru dawlaha maaliyadda   oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi  “Waan idiinka mahad celinayaa sida aad uga qaybgasheen tababarkan qiimaha badan,  waana  muhiim  tababarada noocan ah  in aan ka soo qaybgalno. Sababtoo  ah waa muhiim  in aanu hubino in sidii loogu talo galay  ay u fuleen iyo in aad ku qanacsantihiin tababarka la idiin qabtay  habka loo maamulay. Sidaa  darteed macalimiintuna  aad ayay  idiin  amaaneen casharada sida aad u qaadanayseen,  waxaana tababarkan qaatay oo ka soo qaybgalay madaxdii laamaha wasaarada maaliyada,  haddii  aanu is-bedalku  madaxda ka suura galan shaqaalahana ka suuro galimaayo.”
 
Isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi  “Waxaa la  doonayaa in aynu u gudubno habka casriga ah,   kolayba   hababka la bartay ka guurkiisa  waa laga yaabaa in uu ku adkaado,  qolada baratay aad ayaan ugu farax sanahay  in aan idikala soo qaybgalo xidhitaanka  tababarkan,  aadna waan idiinka mahad celinayaa sida aad uga faa’iidaysateen tababarkan mudadii uu socday”.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply