Xoghayaha D/Hoose Hargeysa Oo Digniin Adag U Jeediyay Ganacsatadda Dawooyinka Dhacay Ku Daadiya Magaaladda

0
341

Hargaysa (Dawan): Xoghayaha dawladda hoose ee caasimadda Hargaysa Axmed Maxamed C/laahi (Derajo), ayaa digniin adag u diray ganacsatadda iyo farmsiiyadda magaaladda Hargaysa oo uu sheegay in ay daawooyin dhacay ku daadiyeen meel magaaladda dhexdeeda  ah.
Axmed Derejo, waxa uu sheegay in daawooyinkaasi dhacay lagu daadiyay xaafadda Masalaha galbeed ee  magaaladda magaaladda Hargaysa, taasi oo uu ku tilmaamay in tallaabo adag laga qaadi doono ciddii fal noocan oo kale ah lagu qabto.
Waxaanu uga digay ganacsatadda daawooyinka soo dejiya iyo kuwa iibiyaba in ay iska ilaaliyaan  in ay daawooyinka dhacat ku daadiyaan magaaladda dhexdeedd, taasi oo halis ku ah caafimaadka bulshadda.
Xoghayaha Dawladda Hoose Hargeysa waxa uu qayrul masuul ku sifeeyay dadkii dawooyinkaas dhacay magaaladda ku dhex daadiyay  “Waa arrin aad iyo aad u xun, oo duulimaad ku ah caafimaadka bulshadda. Goobta lagu daayiyay daawooyinkani dhacay, waa magaaladda badhtankeedii,  waana meel  banaan ah  oo ay cid waliba arkayso. Halkii ay ahayd in in marka daawadu ay dhacdo in ganacsatadda ama farmasiileyaashu ay iyagu ku gubaan meel magaaladda ka baxsan ama ay dawladda hoose ku soo wareejiyaan.”
Sidoo kale xoghayuhu waxa uu   u soo jeediyay ganacsatadda daawooyinka iyo farmasiileyaashaba in marka ay daawooyinku ay ku soo wareejiyaan dawlada hoose ay iyagu meel magaaladda ka baxsan ku gubaan. Waxaanu sheegay in cidii falkaasi oo kale ku taaabsata hada wixii ka danbeeya lagu qaadi doono fal-danbiyeed.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply