Ban Ki- moon oo ka Hadlay Qaxootiga Suuriya

0
480

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa ugu baaqay waddamada oo dhan inay u muujiyaan taageero qaxootiga Suuriya.
Isagoo ka hadlaya bilawga shir hayadda Qaramada Midoobay ee qaxootiga, Mr Ban ayaa ugu baaqay wasiirada inay u helaan meel ay degaan ku dhawaad nus milyan qaxooti reer Suuriya ah sanadka markuu yahay 2018.
Ban Ki -moon ayaa sheegay in caalamka uu kordhiyo talaabooyin adag oo lagu caawinayo qaxootiga ka imanaya Suuriya. Wuxuu sheegay in waddamada dariska Suuriya ee Turkiga, Urdun, iyo Labnaan ay la halgamayaan dhibaatada inteeda badan.
Waddamada oo dhan ayaa samayn kara caawinaad dheeraad ah, carruurta Suuriya ayaa adduunka ka sugaya naxariis ayuu sheegay.
 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here