Haweenka Xisbiga KULMIYE Ee Burco Oo Deeq Lacageed Guddoon Siiyay Guddiga Abaaraha Togdheer

0
270

Burco(Dawan):-Guddoomiyaha Guddiga gurmadka Abaaraha gobolka Togdheer ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Togdheer Maxamed Diiriye Xayd,ayaa deeq lacageed oo  ay kaga qayb qaadanayaan taakulaynta gurmadka abaaraha waxaa uu ka guddoomay garabka haweenka xisbiga KULMIYE ee Burco.

Waxaanu ku ammaanay sida walaalnimada leh ee garabka haweenka Xisbiga KULMIYE ee Burco ay ugu damqadeen dadkooda abaaruhu ay ku dhufteen waxaanu ugu  baaqay guud ahaan bulshada reer Somaliland gaar ahaan dadka reer Togdheer ee dibad iyo gudaba in ay u soo gurmadaan dadkooda jilicsan ee abaaruhu ay ku dhufteen.

Waxaanu intaa ku darau in xaalad abaareed oo adagi ay soo food saartay dadka reer miyiga ah ee gobolka Togdheer.

Hooyo u hadashay garabka Haweenka KULMIYE ee Burco oo ka hadlaysay deeqda gurmadka abaaraha ay ugu talo galeen ee ay ku wareejiyeen Guddoomiye Xayd ayaa tidhi. “lcagta yare e aanu ku wareejinayno Guddoomiyaha Gudiga   gurmadka abaaraha ee Gobolka Togdheer Maxamed Diiriye Xayd waxay dhan tahay 1200 oo Dollar,taasoo aanu ugu talo galnay in aanu kaga qayb qaadano gurmadka abaaraha ee dadkeena aynu ku badbaadinayno,mana noqon doonto lacagtii ugu dambaysay laakiin waa bilaw yar oo aanu qasnadayada  ka soo saarnay waxaanan ka codsanaynaa dadka wax haysta ee reer Burco in ay dadkooda u soo gurmadaan maanta maalin xisbi iyo kaambayn maaha dadkeenii oo tabaalaysan ayaa inoo  baahan oo gurmad inaga sugaya ee waa in aynu wada jir uga wada qayb qaadano.”

Guddoomiyaha Gudiga Gurmadka Abaaraha ee Gobolka Togdheer ahna Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Togdheer Maxamed Diiriye Xayd oo ka hadlay deeqda lacagta ah ee la soo gaadhsiiyay isla markaana baaq qaylo dhaan ah diray ayaa yidhi. “Waxaan halkan uga   mahad naqayaa hablaheenan reer Togdheer  ee ka dhiidhiyay kana damqaday dhibaatada dadkeena haysata,waxaan ALLE uga baryayaa in uu ka abaal mariyo wanaagga ay sameeyeen oo ah mid wayn oo qaaliya oo ah waxyaabaha ajarka wanaagsan lagu helo, waxay waraabinayaan naf ooman.”

Intaa ka dib Guddoomiye Xayd waxaa uu farriin qaylo dhaan ah u diray ganacsatada,qurba joogta iyo dadka wax haysta ee reer Togdheer oo uu ka codsaday in ay gurmad samato bixin ah la soo gaadhaan dadka abaaruhu halakeeyeen ee gobolka Togdheer oo uu sheegay in ay imika taabatay oo ay meel halis ah marayso.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply